Wasiir Geedoole wuxu tabobar u furay bahda waxbarashada saddex degmo oo Saaxil ka tirsan

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Faaxax Cilmi Geedoole ayaa saaka tabobar u furay 85 ka mid ah bahda waxbarashada ee Gobolka Saaxil, kuwaas oo isugu jiray macalimiin iyo maamuleyaal ka kala socday saddex degmo oo kala ah Laasciidle, Buluxaar iyo Xagal.

tabobarkan ayaa si wada jir ah uga bilawday gobollada xeebaha Somaliland  ku yaala sida Sanaag, Saaxil Selel iyo Awdal. Wasaaradda Waxbarashada, UNICEF iyo UNESCO ayaa iska kaashaday hirgelinta tabobarkan.

Xaflad ballaadhan oo lagu furay tabobarka waxa goobjoog ka ahaa badhasaabka Gobolka Saaxil Fahmi Cabdi Bidaar iyo Duqa Berbera Cabdishakuur Cidin iyo isu-duwaha wasaaradda waxbarashada gobolka Saaxil Ibraahim Digaale.

Waxaana ugu horeyn madashaa hadal kooban ka soo jeediyey Isuduwaha Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Saaxil Ibraahim Digaale, waxaanu faahfaahinka bixiyey tababarkan waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan’’ waxaanu maanta halkan isugu nimid in aanu tababar u furno 85 xubnood oo ka kala yimid saddexda degmo ee Laasciidle, Buluxaar, iyo Xagal taas oo ay  maanta halkan fadhiyaan macalimiintoodii bilaa tababarka ahayd iyo maamulayaashoodii, muhiimada laga leeyhayna waa macalinka maanta shaqo badan ayaa u taala oo macalinka hadii aan la tababarin waa xaqiiq in ay isgaadhayaan isaga ardaygu, xigmada laga leeyahayna wataas.

Sidoo kale waxaa isna madashaa tababarka ka hadlay Maayarka Magaalda Berbera waxaanu yidhi’’ runtii aad baan ugu mahadnaqayaa Wasiirka Waxbarashada oo isagoo 2-dii duhurnimo shaqo ka soo baxay uu maanta hadana isla galinkii dambe uu halkan nala joogo, ka dawlad hoose ahaan waa mid aad noo taabanaysa waana barnaamij ay u baahan yihiin bulshadayada iyo dadkayaguba waana barnaamij la doonayo in lagu tayeeyo oo kor loogu qaado aqoonta macalimiinta, insha lah idinkana waxaan ilaahay  idiinka baryayaa inaad noqotaan kuwo laba jeer faa’ida.

Ugu dambayntii waxaa isna madasha hadalo ka soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole waxaanu yidhi sidan’’salaan ka bacdi aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta xafladan idiin furo,waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa Madaxweynaha Jamuuriyada Somaliland ka dib markii uu soo maray gobolada ku yaala xeebaha ay noqotay arintani tii uu amray in laga fuliyo gobolada xeebaha, arintanina ay tahay mid ku timid amarkiisii, waxaan u mahadnaqayaa hayada uniesco, sidoo kale waxaan u mahadnaqayaa macalimiinta ka hawlgasha gobolada xeebaha runtii waxaan ku tilmaami karaa mujaahidiin haday macalin yihiin iyo haday maamuleyaal yihiinba, waayo xaqiiqada waad ogtihiin, sababta aan mujaahhidiin ugu tilmaamay,

sida aad la socotaanba waxaa ka socda Gobolkan Saaxil labba tababar oo kale oo mid ay Hay’ada ADRA ka bilaabayso oo dumarkii macalimiinta ahaa ay gaar ula baxday 22 macalin iyo tababarkale oo macalimiinta dugsiyada magaalada ah, 600 oo macalin ayaa guud ahaan ku jira tababarka gobolada waxaanu ku nidhi anaguna waxaanu idiin raadianaynaa macalimiintii idin tababaraysay, idinkuna maadaama oo aad magaaladiinii aad ku nooshiihiin oo aad hoygii iyo cuntadadiiba aad haysataan waxbarta. Ayu yidhi Wasiir Geedoole

Bandhige@gmail.com