Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Jawhar Siciid Warsame oo mudooyinkii u dambeeyay socdaal shaqo ku maraayay gobolada galbeedka dalka ayaa gaadhay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Weftigan wasaaradda ganacsiga iyo dal-xiiska Somaliland waxaa gobolkaas ku soo dhaweeyay guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamud Xasan Jaamac (Xodey) iyo xubno ka mida masuuliyiinta degmada Boorama.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Jawhar Siciid Warsame waxay warbixino ka dhageysteen guddoomiyaha gobolka Awdal iyo isu-duwaha wasaaradaas ee gobolka Awdal.
Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Jawhar Siciid Warsame ayaa u mahadceliyay guddoomiyaha gobolka Awdal, madaxda degmada Boorama iyo isuduwaha wasaaradda ganacsiga ee gobolkaas, waxaanuu intaas ku daray in socdaalkaasi yahay mid shaqo oo ay ugu kuu-galayaan arrimaha ganacsiga iyo dal-xiiska ee gobolkaas oo ah shaqada ay wasaaradaasi qaranka ugu xil saran tahay.
Wasiirka ku xigeenka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Jawhar Siciid weftigaas uu hoggaaminaayay waxay kormeer ku mareen qaybaha kala duwan ee xarunta wasaaradda ganacsigu ku leedahay magaalada Boorama, waxaanuu kullano la qaatay shaqaalaha wasaaradaas ee ka hawl-gala gobolka Awdal.
bandhige@gmail.com