Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda JSL Oo Maanta Furay Kulan hawleedka qorshaha Fulinta odoroska Dakhli Ee Waaxda Cashuuraha Barriga ee 2020-ka

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda H. Maaliyadda JSL Oo Maanta Furay  Kulan hawleedka qorshaha Fulinta odoroska Dakhli Ee Waaxda Cashuuraha Barriga ee 2020-ka

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Muuse Ibraahin Yuusuf (Salaf)

ayaa maanta si rasmi ah u furay  Kulan hawleedka qorshaha Fulinta odoroska Dakhli ee Waaxda Cashuuraha Barriga ee 2020-ka, iyadoo  Hotelka Baraar ee Magaaladda Hargeisa  maanta  Kulan Balaadhan loogu u qabtay Masuuliyiinta Cashuuraha barriga ee gobolada iyo degmooyinka dalka.

Munaasibadaasi oo ahayd mid si heersare ah loo soo Agaasime ayaa waxa kale oo ka hadlay   Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Md Maxamed Cabdi Gurxan, Agaasimaha Waaxda Cashuuraha Bariga, Cabdisalaan  Maxamuud Maxamed, Agaasime ku xigeenka Cashuuraha Barriga Khadar Maxamed Muxumed (Kh. Laas),

Agaasimaha Waaxda Xidhiidhka Dadwaynaha Iyo Xogta Axmed Muuse Maxanuud, Agaasime ku xigeenka Waaxda Iibka Axmed Ismaaciil Maxamed  iyo Masuuliyiin kale oo ka socday Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, kuwaas oo dhamaantood halkaasi ka jeediyey hadalo mahadnaq iyo dhiirigalin iskugu jira, iyadoo

kulankaasi  ahaa mid lagu dardargalinayo Qorshaha shaqo ee sanadkii 2020-ka.

Dhinaca kale  Madaxda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda ayaa Saraakiishaasi Cashuuraha Barriga uga mahadnaqay dadaalkii ay sameeyeen Sanadkii hore maadaama oo Dakhligii  Miisaaniyaddii 2019-kii ay Qorshihii Ku tala-galka  ahaa ka batay 5%.

Gunguntii iyo Gabo-gabadii Waxa lagu dhiirigaliyey Masuuliyiinta Cashuuraha Barriga inay ku dadaalaan oo ay u hawlgalaan sidii ay Miisaaniyada 2020-ku uga badan lahayd tii sanadkii hore ee 2019-ka.

Ugu danbayn waxa madashaasi lagu qaybiyey Buuga Miisaaniyadda Muwaadinka oo loogu tallo-galay inay gaadhsiiyaan gobolada iyo degmooyinka ay ka kala yimaadeen.