Wasiir-xigeen Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha oo kulan xog waraysi ah la qaatay qaar ka mid ah badhasaabada Gobolada.

Wasiir-xigeenka Aminga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cabdi Daahir Camuud ayaa maanta kulan la qaatay badhasaabada Sool, Togdheer, Maroodi Jeex iyo Awdal xarunta wasaarada Arrimaha Gudaha.

Kulankaasi ayaa ku saabsanaa xogwaraysi amaanka iyo xaalada gobolada ay madaxda ka yihiin.

Dhinaca Kale Kulan kan ayaa gogol xaadh u ah shir ay badahsaabadu ugu baxayaan dalka Ethiopia halkaasi oo ay kaga qayb galayaan shir ka dhici doon 18-ka bishan oo ku beegan maalinta Jimcaha ah.

Sidoo kale waxa weftigan Badhasaabyada ka sii horeeya oo Itoobiya ku sugan wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cade.

arrimaha gudaha

bandhige@gmail.com