Wasiir-xigeen cusub oo loo magacaabay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta u magacaabay Cabdi Yuusuf Ismaaciil “Wadaad” Wasiir-xigeenka cusub ee Wasaaradda Qorshaynta Qaranka.

Wadaad wuxuu hore ahaan jiray Wasiir-xigeenkii Wasaaradda Ganacsiga xukuumaddii Daahir Rayaale.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Qasri Madaxtooyada ayaa waxa uu dhignaa sida tan:

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu JSL/M/XERM/249-3515/082018 ku magacaabay Wasiir-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta. isagoo madaxweynuhu hore warqadii shaqo ka tegista ka aqbalay wasiir-xigeenkii hore wasaaradda Cabdikariim Axmed Mooge.

Madaxweynaha:-

Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ee ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

In Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Wadaad), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir
Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada ahna ku simaha Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

bandhige@gmail.com