Wasiir Xirsi oo ka hadlay halka ay marayso deminta shaqaaqadii Guumays

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji ayaa bartiisa Facebook-ga xalay ku daabacay warbixn kooban oo uu ku bidhaaminayey kulan ay isaga iyo wefti ballaadhan oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno iyo madax-dhaqameed  la qateen laba beelood oo horey ugu dagaalamay deegeenka Guumays.

Wasiirka iyo weftigiisu waxay Caynabo u tageen si ay u demiyaan shaqaaqadii dhawaan labada beelood ku dhex martay Guumays ay weftiga la socdaan xubno Golaha Guurtida ah oo ka-qay-geli doona dhexdhexaadinta iyo isku-soo-dhawaynta labada beelood.

Qoraalka Wasiirku baahiyey oo dhammaystirani wuxu u dhigan yahay sidan hoose:

“Waxaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalo madaxda Gobolka Saraar ee Caynabo gogoshii bog-xaadhadka ahayd ee loo dhigay beelaha walaalaha ah, kuwaas oo muddo ka hor ay shaqaaqo ku dhex martay Guumays.

Jawiga saaka ee furitaanka shirka ayaa ku bilowday khayr badan halkaas oo ay labada ardaaba si xilkasnimo badan uu soo xaadireen iyaga oo oofiyey ballankii 21 cisho ka hor aan kala qabsanay in la isugu yimaad degmada Caynabo.

Waxaa sidoo kale goobta ku sugnaa tiro ka mid ah golaha ku suntan gurmadka iyo guusha ee Guurtida iyaga oo soo xulay xilkas aan rajaynayno in ay labadaas beelood dhexdooda ka islaaxiyaan nabad waarta oo caano badan “Idan Alle”.

Annaguna ka xukuumad ahaan waxaanu diyaar u nahay marka Guurtidu soo saarto go’aamo in aanu si degdeg badan u fulino isla markaana taabbo-gelino.

Guumays2
Ka bilaw bidix: Wasiir Cali Siciid Raygal, Wasiir Xirsi, Wasiir Cabdirisaaq Khaliif, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil

Furitaanka shirka maanta oo ay igu wehelinayeen Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Cabdirazaaq Khaliif Axmed, Wasiirka Wasaaradda Dib-U-Dejinta Cali Saciid Raygal, Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil, Guddoomiyeyaasha gobollada Sool iyo Saraar, xildhibaano iyo guud ahaanba qaybaha kala duwan ee bulshada ayey dhammaantood xuseen qiimaha nabadda iyo wada-noolaashaha beelaha walaalaha iyo dariskaba ah.

Shirkan maanta ayaa imanaya kadib markii muddo 21 cisho ka hor ah aanu ballankan ku qabsanay degmooyinka Oog iyo Yagoori halkaas oo aanu ku ballanay in aan ka xukuumad ahaan keeno tiro ka mid ah Golaha Guurtida isla markaana si mug leh loo lafoguro salka khilaafka si xal waara looga gaadho.

Waxaan Illaahay uga mahad-celinayaa in uu maanta na waafajiyey in kulankani furmo labada dhinacna iyaga oo nabadda iyo horumarka hammuun badan u qaba ay goobta soo xaadiraan.

Insha’Allaah waxaa beri si rasmi ah xubnaha Golaha Guurtidu u gonda-deggi doonaan bilowga garnaqsiga iyo xasilinta nabad waarta.

Guumays3
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil wuxu hadal ka jeediyey xafladdii furitaanka

 

Wa Bilaahi Tawfiiq”

Bandhige kala soco hadba wixii ka soo kordha shir-nabadeedka Guumays.

Bandhgie@gmail.com