Wasiir Xirsi wuxu beeniyey in uu eedeeyey wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda iyo in Somaliland heshiis midnimo la gashay Soomaaliya

Wasiirka Madaxtooyadu wuxu beeniyey warar ay warbaahinta qaar qorayeen maalmihii u dambeeyey oo ku saabsanaa shabakadda Wikileaks oo jabsatay kaydka Sucuudiga kadibna lagu arkay heshiis midnimo oo Somaliland iyo Soomaaliya wada saxeexdeen.  Wararku waxa ay intaas ku dareen in Wasiir Xirsi uu faddeexaddaas dusha u saaray wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.

Qoraal kooban oo u ku baahiyey barta uu ku leeyahay Facebook waxa uu u dhignaa sidan:

Ugu horayn dhammaan ummadda Muslimiinta ah waxaan leeyahay Ramadaan Kariim. Alle ha inaga dhigo kuwa ku guulaysta naxariista iyo dembi-dhaafka Alle isla markaana naarta laga xoreeyo.

Intaas kadib, waxaan qalinka u qaatay in aan kalmado kooban kaga falceliyo qoraal aan macno iyo miisaan badan lahayn oo lagu baahiyey warbaahinta qaarkood kaas oo sheegaya in mareegta caanka ku ah faafinta siraha dawladaha ee Wikileaks ay baahisay qoraal lagu sheegay in ay ka soo jabsatay kaydka siraha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Sucuudiga nuxurkeeduna yahay heshiis Somaliland iyo Somalia ku saxeexdeen in ay dib u midoobaan! Waxaase ka sii daran in ay ku doodeen in aan wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda Dr Maxamed Cabdillaahi Cumar aan dusha u saaray.

Warkan oo ah been abuur aan loo meel dayin ayaan kaliya uga falcelinayaa si aan bulshada ugu iftiimiyo xaqiiqda sidoo kalena dardaaran iyo tilmaam siiyo cid walba oo war aanay hubin iska baahisa iyo siyaasi walba oo isaga oo aan xog rasmi ah raadin go’aankiisa ku saleeya wax uu maqlay oo kaliya.

Sida la ogyahay marka aad masuul doonayso inaad hadalkiisa xigato waxaa lagama maarmaan ah in aad soo baahiso muuqaal “video” uu arrintaa kaga hadlayo ama aad ka soo xigato qoraal rasmi ah oo uu baahiyey balse aanay ahayn oo kaliya waa la yidhi.

Waxaan kula dardaarmayaa warbaahinta qaarkood in aanay lumin macmiilkooda  isla markaana mar walba awoodda saaraan soo-gudbinta wararka xaqiiqda ku salaysan.

Waxaan sidoo kale tilmaam siinayaa siyaasiyiinta mar walba ku go’aan qaata war ay maqleen oo kali ah balse aan xog ururin iyo xaqiiq raadis toona samayn ee markaaba warka ay maqlaan sii baahiya ama cid ku dhaliila. Waxaan leeyahay xasuusta xadiiskii Nebigeena Maxamed SCW ee macnahiisu ahaa:

“Qof waxaa been ugu filan inuu sii gudbiyo wax walba oo uu maqlo”

قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: ” كفى بالمرء كذبا أن يحدّث بكل ما سـمع “

Ugu dambayn waxaan leeyahay qaranka Somaliland qosol-ku-jab maaha, qoraal aanan qorina qofkii iska qortay ayuu qawl-xumo ku yahay ee aynu ka korno hadal haynta hebel iyo hawraarta madhan.

Wa Bilaahi Tawfiiq

 

Wasiirka Madaxtooyada

Xirsi Cali Xaaji