Wasiirada Arrimaha Dibedda Ruushka iyo Maraykanka waxay kawada hadleen arrinta Suuriya

Wasiiradda Arrimaha Dibedda Maraykanka iyo Ruushka John Kerry iyo Sergei Lavrov ayaa kulan ku yeeshay New York, kulankana ayaa ka mid dedaalada lagu doonayo in xal siyaasadeed oo waara laga gaadho dagaalka ka socda Suuriya.

Ruushka ayaa waxay ka taageertaa xukuumadda Bashaar Al-asad dhinaca militariga oo siiyo hubka iyo tababaro ay siiyaan ciidamada Suuriya.

Jorn Kerry iyo Sergei Lavrov ayaa kawada hadlay sida dhaq-dhaqaaqa militari ee Ruushka ka wado gudaha Suuriya ay saameyn ugu yeelan karto fursadaha la doonayo in xal siyaasadeed loogu helo colaadda dalkaasi, sidaasina waxa sheegay sarkaal ka mid ah saraakiisha dalka Mareykanka.

Kulankaasi kaddib ayaa xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka John Kerry waxa uu sheegay in xoogaa horumar ah laga gaadhay wada-hadalka dhex maray isaga iyo dhiggiisa Ruushka.

Dhanka kale wasiirka Arrimaha Dibedda Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay in Ruushka iyo Maraykankuba aysan isku si u arkin xal u helidda colaadda Suuriya balse uu ku rajo weyn yahay in arrintaasi uu is badal ku yimaado ka dib marka ay wada kulmaan Madaxweyne Putin iyo Obama maanta gelinka dambe.

Sannadkii hore ayuu Madaxweyne Putin ku tilmaamay dedaalada Mareykanka uu ku hubeynayo fallaagada kasoo horjeeda Madaxweyne Asad mid sharci darro ah isla markaana aan laga gun gaadhi kari.

Dhanka kale dhaq-dhaqaaqyo military oo xoogan oo Ruushku taageero ayaa laga dareemayaa gudaha Suuriya oo ay xukuumadda Al-asad waddo.

Ruushka ayaa ku sheegay in taageeradoodu tahay in ay ka caawiyaan militariga Suuriya sidii ugu hortagi lahaayeen kooxaha Islaamiyiinta ah.

Dhanka Kale, Guriga arrimaha difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka ayaa shaaciyey in ay ogaadeen in hub Maraykanku uu ugu deeqay mucaaridka Suuriya gaar ahaan kooda la yidhaa New Syria Defense (NSD) kuwaas oo dhawaan uun la tababaray ay hubkii loogu deeqay ku wareejiyeen koox argagixiso ahaan u diwaangashan oo ka dagaalanta Suuriya oo magacooda la yidhaa Al-Nusra Front kuwaas oo caddaystay in ay maamul ahaan hoos yimaadaan Al-Qaacida.

banhdige@gmail.com