Wasiiradda Arrimaha Dibedda iyo Gudaha oo safar ku tegay Jigjiga

Wafti ballaadhan oo uu hor kacaayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo ay wahelinayaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya Maxamuud Aadan Jaamac ayaa safar shaqo ugu tagay dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobaya, gaar ahaan magaalo-madaxda Jigjiga.

Wafitgan ayaa u jeeddadooda safarkoodu tahay kulamo ay la yeelan doonaan madaxda dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiyo kuwaas oo la xidhiidha dhinaca dhaqaalaha, iskaashiga labada dawladood, amniga, xuduudaha.

Sidoo kale waxa la filayaa in laga wada hadlo shaqaale ka tirsan Wasaaradda Qorsheynta oo safar shaqo ugu socday Boorama oo ka ambaday waddadii kadibna afka uga galay ciidan Itoobiya kaas oo taxaabay. Ilaa hadda waxa ay ku xidhan yihiin xabsi ku yaal Jigjiga waxana la saadaalinayaa in sarafrka xukuumaddu soo af-jaro xadhigooda.

Dhinaca kale labada dawladood ee Somaliland iyo Itoobiya ayaa ka wada shaqeeya arrimaha xakamaynta tahriibka, iyada oo maalmahanna dawladda Itoobiya 75 tahriibayaal ah oo ay ka soo qabteen gudaha Itoobiya ay ku soo wareejiyeen Laanta Socdaalka Togwajaale.

bandhige@gmail.com