Wasiirka Arrimaha Debedda oo Hargeysa lagu soo dhaweeyey

Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis oo dhowaan Londhon kaga dhawaaqay in uu sharaxan yahay jagadda Madaxweynaha xisbiga Kulmiye ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey Hargeysa.

Waxa soo dhawaynta Maxamed Biixi waxa ka qayb galay Wasiirro xukuumadda ka tirsan, Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, xildhibaanno, masuuliyiin Kulmiye ka tirsan, xubno ku jira Golaha dhexe ee xisbigaas, Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaanka guud ee Subeer-awal, Madax-dhaqameed tiro badan oo ay labada Suldaan hoggaaminayeen, odayaal, wax-garad, aqoonyahan, dhallinyaro, haween, culimo, dadweyne kale oo tiro badan iyo siyaasiyiin kala duwan.

Ugu horeyn waxa soo dhowaynta Maxamed Biixi ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Kalluumaysiga Cabdillaahi Jaamac Cismaan “Geel-jire” waxaanu yidhi:

“Dadka maanta halkan isugu yimi waxa weeye Kulmiye ayey ku wada socdaan, beelo kuma wada socdaan, qabaa’ilna uma socdaan, reerana uma socdaan, xisbiga tallada haya oo xisbiyadana ugu weyn oo la yidhaahdo Kulmiye ayey kawada socdaan. Waxaan ku soo dhawaynayaa Mikrifoonka anigoo ku hadlaya dhammaan dadka halkan isugu yimi, gaar ahaan Salaaddiinta oo dhan oo ay metelaan labada Suldaan guud, waxaan ku soo dhawaynayaa Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.”

Maxamed Biixi Yoonis oo ka mahad-celiyey qaabka loo soo dhaweeyey, waxa uu Tacsi u diray Qoysaska, iyo Ehelada Afar Wiil oo dhallinyaro ah oo toddobaadkii hore ku dhintay Badda Berbera. Isagoo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Marka ugu horreysa waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa dadkiinnan sharafta leh ee sida weyn ee qiimaha leh ee qaddarinta leh maanta iigu soo dhaweeyey maddaarka Hargeysa anigoo ah Musharrax u diyaar ah in uu hawsha xisbiga ka soo baxo, Waxaan Illaahay ka baryayaa in uu ila qabto, hadduu khayr ku jiro ila qabto iguna hago.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Somaliland wax badan bay soo qabsatay 24-kaa sanno, maanta waxay maraysaa meel ay u baahan tahay hawshaa culus ee ay dawladihii hore qabteen ee dawladdan maanta jirta oo hawl fara badan qabatay ee uu masuulka ka yahay Madaxweyneheenna Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” oo aannu ugu mahadnaqayno hawsha qiimaha weyn ee ballaadhan ee uu dalka u qabtay in uu maanta u baahan yahay hawshaas uu qabtay iyo magaca uu ka tegayo qof aqoonteedii, cilmigeedii, waayo-aragnimadeedii iyo khibraddeedii leh oo halkaas ka sii qaada oo dadka Somaliland mideeya, Somaliland waa mid maanta waxaad arkaysaan halkaa in Bari illaa Galbeed Somaliland ku dhan tahay.”

Dhinaca kale waxa uu ka hadlay tartan la filayo in uu ka dhaco xisbiga Kulmiye bisha innagu soo foolka leh, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Tartanka ka dhici doona (xisbiga Kulmiye dhexdiisa) ama ha noqdo jago Madaxweyne ama Madaxweyne-ku-xigeen ee waxa uu noqon doonaa tartan dadka Somaliland oo dhan u dhex ah oo qof kasta oo reer Somaliland oo ama Bari ha joogo ama Galbeed ha joogo uu xaq u leeyahay. Waxaynu u baahan nahay maanta qof isku mideeya oo dadka isku soo dhaweeya oo aan dadka kala fogeyn, waxaan ahay ninka caynkaas ah ee aaminsan in aan wax qabadkeeda wax ka qaban karo. Waxaan idin leeyahay waad mahad-san tihiin, waanaynu guulaysan doonnaa Insha Allaah, Taageeradiinnaan u baahan ahay, waxaan u baahanahay inaad I barbar-istaagtaan, waxaan aamminsan ahay in aan ahay nin aad ku aammini kartaan, dalka iyo dadka maamulkooda.”.

Maxamed Biixi oo ay dadka qaar ku xantaan in aanu aqoon badan u lahay dalka, ayaa waxa uu yidhi:

“Dalka si fiican baan u kala aqaannaa dad badan baa u haysta malaha in aan Qurbo-joog uun ahaaye, dalka meelo badan baan macallin ka ahaa, Bulla-xaar baan Macalin ka ahaa, Sallaxlay baan ka ahaa, Berbera ayaan ka ahaa, Balli-gubadlaan ka ahaa, Sheekh Baan ka ahaa oo Burco ayaan ka ahaa. Jaamacadda adduunka ugu weyn baan ka baxay ee Hardvord, Jaamacado badan baan ka baxay.”

Gaba gabadii waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu gaadhsiin doono waddanka haddii uu ku guulaysto murashaxnimada jagadda Madaxweynenimo ee xisbiga Kulmiye, ta guud uu ku guulaysto, waxaanu yidhi:

 “Waxaan leeyahay waxaad gaadhsiinaysaa dalka iyo dadka aqoon qalinku shaqeeyo, waxaan ahay qof dalka kala yaqaanna oo meelo badan Macallin ka soo noqday. Golaha dhexe ee Kulmiye Waxaan leeyahay  qofkaad dooranaysaan waxaad ku doorataan Aqoon, waayo-aragnimo, karti, xajiin la’aan iyo taariikh qaali ah oo uu qofku leeyahay.”

h bbbbb soodhawaynta maxamed biixi yoonis bbbbb (1)

bandhige@gmail.com