Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan waxa loo soo dhaweeyey sida geesiyaasha kadib heshiiskii nukliyeerka

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Iiraan Maxamed Jafaad Shariif oo ahaa sarkaalkii xukuumadda Iiraan u qaabilsanaa wada-xaajoodka nukliyeerka ayaa lagu qaabilay soo dhawayn tii ugu sarraysay kadib markii uu Arbacadii ku soo laabtay Tehraan.

Heshiiskan oo lagu tilmaamay in uu ahaa mid taariikhi ah ayaa Iiraan ka dul qaadaya go’doomin caalami ah oo lagu hayey ku dhawaad 13 sanno iyo cumo-qabatayn riiq dhaqaale dalka ku yeelatay iyadoo wixii hadda ka dambeeyana ay Iiraan shidaalkeeda dhoofin karto agabyo daruuriyaad ah oo daawooyin iyo cuntooyin ay ka mid yihiina ay soo dejisan karto isla markaana quwadaha adduunka ay ka helayso deeqo ballaayiin Doollar ah.

Iiraan dhinaceeda waxay joojin doontaa tayaynta Yuuraaniyamta lagu sameeyo nukliyeerka taas oo ay u beddeli doonto mid rayid ah, halkaasna ay kaga hadhi doonto riyadeedii ahayd in ay noqoto waddankii labaad ee Islaam ah ee leh nukliyeerka wax gumaada.

Wasiirku markii uu maanta soo gaadhay Tahraan waxa qaabilay oo ag raxlaynayey kumanaan Iiraaniyiin ah oo lulayey calanka eeraan ee isugu jira caddaanka, casaanka iyo akhtarka, waxayna ku dhawaaqayeen “Mahadsanid Maxamed Shariif.”

Madaxweynaha Iiraan Axmed Ruuxaani wuxu sheegay in dalkiisu caan ku yahay dhawridda iyo fullinta heshiisyada sidaas oo kalena uu ka filayo reer Galbeedka.

Mucaaridka Iiraan oo ka soo horjeeday wada-xaajoodkan ayaa si cad uga hor iman kari waayey una dhaliili kari waayey kadib markii ay arkeen Aayatullah Cali Khamaani oo wada-xaajoodkan taageersan.

Dunida badankeeda heshiiskan waa laga soo dhaweeyey, gaar ahaan waddamada awoodda ku leh Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si weyn ugu sacabo tumay.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama wuxu sheegay in heshiiskani astaan u yahay sida ay diblomaasiyaddu ugu guulaysan karo wax aanu dagaalku ku guulaysan karin. Waxa kale oo uu sheegay in heshiiskan ay taageersan yihiin in ka badan 90% oo dadweynaha adduunka ah.

Barack Obama wuxu ka digay in aqallada sharci-dejinta ee Maraykanku ka hor yimaadaan, haddii ay taasi dhacdona wuxu ku hajabay in uu codka diidmada qayaxan ee fiitoo saari doono.

Hase ahaatee Ray’sal Wasaaraha Israa’iil ayaa heshiiskan ka biyo-diiday, wuxuna sheegay in la dhiirigeliyey rabshaddii ay Iiraan la dhex joogtay bariga dhexe. Netenyahu wuxu heshiiskan ku tilmaabay “khalad xun.”

Si kastoo loo arkaba, waxa muuqata in heshiiskani u eg yahay mid hirgalaya isla markaana ay halkaas dunidu kaga bogsanayso werwerkii ahaa in dagaal cusubi ka qarxo bariga dhexe kaas oo u dhaxeeya Israa’iil iyo Iiraan.

Bandhige@gmail.com