Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka qaybgelaya shirka 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis  ayaa shalay gelinkii dambe gaadhay Cape Town, Koonfur Afrika, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda. Wasiirka waxa safarka ku wehelisa La-taliyihiisa khaaska ah Nimco Cilmi.

Weftiga Wasiirku wuxu ka qaybgeli doonaa Shirka 25aad ee Dhaqaalaha Adduunka oo Koonfur Afrika  martigelisay, kana dhacaya Cape Town  3da ilaa 5ta June, laguna martiqaaday dawladda Somaliland.

Markii weftiga Wasiirku gaadheen Cape Town waxa kaga hor yimid garoonka diyaaradaha oo si diirran u soo dhaweeyay  Guddoomiyaha  Jaalliyadda Somaliland ee Koonfur Afrika Kayse Mursal Maxamed iyo xubno kale oo ka mid ah Jaalliyadda.

Xubnaha ka socday Jaalliyadda Somaliland ee dalka Koonfur Afrika  ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay wefti heerkan  ah oo ka socda dalkooda ku soo dhaweeyaan Cape Town, marwalbana ay caado u tahay inay si niyadsan u soo dhaweeyaan wufuudda dalkooda.

Minister Bihi in South AFrica
Wasiir Biixi oo la jooga Wasiirka Madaxwtooyada South Africa Jeff Radebe iyo xaaskiisa Marwo Bridgette Radebe iyo Marwo Koosum Kalyan oo ah maareeyaha Aker Solutions

 

Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay kii ugu weynaa ee noociisa ah ee lagu qabto gobolka,  waxana ka soo qaybgalaya inka badan 90 wasiiro, saraakiil sarsare iyo hoggaamiyayaal kala duwan, 83 shirkado ganacsi waaweyn oo caalami ah iyo dhinacyo kale oo guud ahaan  metelaya 75 waddan.

Hal-ku-dhegga shirku waa “Horraysiyo Dambaysaba: Suuree Mustaqbalka Afrika”, waxana  lagaga hadli doonaa halkay gaadhay qaaraddu dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba intii ka dambaysay 1990-kii, sida loo kaashan karo waayo-aragnimada, hal-abuurnimada iyo khayraadka daneeyayaasha loona waajahi karo horumar buuxa oo lagagaa gudbi karo caqabadaha jira.

Sida ku xusan war-saxaafadeedka Wasaaradda, ka-qaybgalka shirkan iyo guud ahaan safarrada shaqo ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu waxay qayb ka yihiin dedaalka xoojinta iyo kor-u- qaadidda siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland.

Minister Bihi in South AFrica3
Wasiir Biixi iyo Wasiirka Maaliyadda South Afrika Nhlanhla Nene

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Bandhige@gmail.com