Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo la kulmay Wasiiru-Dawlaha Arrimaha Dibedda Itoobiya- Warsaxaafadeed

Addis Ababa 07 May 2015- Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamahuriyada Somaliland Mudane Maxamed Bixi Yonis oo beryahanba hawlo shaqo u joogay magaalo madaxda Itoobiya ee Addis-Ababa ayaa kulan balaadhan kula qaatay Xarunta Wasaradda Arrimaha Dibedda Itoobiyaย ย  Wasiirul- Dawlaha Arrimaha Dibeddaย  Itoobiya Amb. Berhane.

Labada masuulย  waxay ka wada hadleen xaaladda guud ee Gobolka Geeska Africa, ย xaaladda Yemenย  iyo gaar ahaanba xidhiidhka dhinacyada badan ee taarikhiga ah,ย  walaaltinimo ee ka dhexeeya labada waddan, Somaliland iyo Itoobiyaย  iyo sidii loo sii xoojin lahaa wax wada qabsigaย  iyo walaaltinimada labada shacab.

Kulanka dhex maray Wasiirka Wasaaraddaย  Arrimaha Debadda iyo Iskaashiga Caalamig ah ee Somaliland Mudane Maxamed Bixii Yoonis iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibada dalka Itoobiya Amb. Berhane ayaa waxay sii qoto dheera uga hadleen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya dalalkaย  Itoobiya iyo Somaliland dhinacayada ganacsiga, ammaanka iyo siyaasadda oo sanooyinkii u dambeyey sii xoogaysanayey. Wasiirka waxa kulanka kuย ย  weheliney wakiil ku xigeenka safarada Somaliland ee dalka Itoobiya.

Kulamada uu Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Somaliland Mudane Mohamed Bixii Yoonis uu la yeeshay waddamada dariska ah iyo caalamka waxay kor u qaadayaan sidii beesha caalamku ay aqoonsi buuxa u siinย  lahayeen Somaliland.

 

Maxamed Xasan Siciid

Agaasimaha Guud

Wasaradda Arrimah Dibedda iyo Iskashiga Calamig ah