Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa sheegay in aan shir qarameedyo ka dhici karin dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde ayaa maanta shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xafiiskiisa kaga hadlay heshiishkii xukuumaddu la gashay xisbiyada mucaaridka iyo shir qaran oo ay ku baaqeen xisbiyada mucaaridku iyo madasha wada-tashigu.

Waran-Cade ayaa sheegay in heshiiskii ay wada galeen xisbiyada iyo xukuumada aanay ka bixin, ee hadda lagu howlan yahany sidii sharci looga dhigi lahaa, Guurtidana loogu qancin lahaa.

Sidoo kale wuxuu xisbiyada mucaaradka ugu baaqay in ay isku diyaariyaan sidii looga hawl-gali lahaa in lagu qanciyo Guurtida, waxa kale oo uu sheegay  in la samayn doono shir lagu qancinayo Golaha Guurtida, shirkaasna ugu baaqay in ay ka soo qayb galaan.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay shir ay ku baaqeen xisbiyada iyo Madasha Wada-tashiga in 27 Julay la qaban doono oo ay ugu magac dareen Shir Qaran isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi:

 “waddankeena hal shir qarameed ayaa laga qabtay kaasina waxa uu ahaa kii Borama ee dawladda lagu soo dhisay, halkan waxaan ka caddaynaaa in aanu jirin shir qarameed kale oo sharcigu jideeyey oo dalka lagu qaban karo”.

Go’aanka xukuumaddu ku dhawaaqday ayaa imanaya wakhti ay xisbiyada mucaaridka iyo Madasha Wadatashigu ku dhawaaqeen shir qaran oo lagaga tashanayo aayaha dalka.

 

bandhige@gmail.com