Wasiirka Arrimaha Guddaha oo ka hadlay weerarkii lagu qaaday agalka Gobolka Awdal

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde ayaa markii ugu horaysay ka hadlay weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday guriga uu dagan yahay Guddoomiyaha Gobolka Awdal Maxamuud Saleebaan Ramaax.

Wasiirka ayaa sheegay in ay xukuuumaddu ku guulaysatay in ay gacanta kusoo dhigtay qaar ka tirsan dablaydii ka danbaysay weerarka. Waxa uu Wasiirku si gaar ah ugu mahad-naqay Wax-garadka reer Awdal isaga oo Ehelkii ay Askartii weerarkaas ku dhimatayna ka tacsiyaydeeyay.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheeggay mar uu Warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa Hargaysa, waxaana hadaladiisii ka mid ahaa:

“Marka hore Ilaahay baa mahad leh. Marka labaad waxaan tacsi u dirayaa askarii ka tirsanayd ciidanka ee ku dhimatay weerarkii ka dhacay Borama, Ilaahayna naxariistii janno ha ka waraabiyo geesiyaashaas inaga baxay oo naftooda u hurey in ay badbaadiyaan bulshada reer Somaliland.”

Isagoo hadalkiisa sii watan waxa uu yidhi:

“Mar labaadka waxaan jecelahay inay Bulashadda reer Boorame, gaar ahaana Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta,gaar ahaana raggii gacanta weyn ka qaatay soo qabashadda dadkii gaystay falkaas aan sheegay oo runtii si qiimo leh uga shaqeeyay hawshaas, isla-markaasna ku guulaystay in ay badankoodii gacanta lagu soo dhigo.”

 

bandhige@gmail.com