Wasiirka Beeraha JSL oo Socdaal Ku Tagay Dhul-beereedka Degmada Agabar.

HARGEYSA – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan Warsame, ayaa Maanta gaadhay degmada Agabar oo ka mid ah dhul-beereedka gobolka Gabiley.

Wasiirka iyo Weftiga la socday, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha degmada Agabar iyo Beeralayda deegaankaasi.

Guddoomiyaha degmada Agabar iyo Beeralayda deegaankaas, ayaa Wasiirka uga warramay Xanuunada ku dhacay Wax-soo-saarka iyo Xasharaadka dhibaatada ku haya.

Wasiir Cabdiqaadir Iman Warsame oo dhegaystay War-bixinta Guddoomiyaha iyo Beeralayda Agabar, ayuu sheegay in Wasaaradda Beeruhu u darban tahay la dagaalanka wax kasta oo dhibaato ku ah Beeralayda, sida Ayaxa oo ay xilligan Wasaaraddu si weyn ugu diyaar-garowday.

Weftiga Wasiirka waxa ka mid ahaa Isku-duwaha Gobolka Gabiley, Maareeyaha Mashruuca Wajaale, Agaasimaha waaxda badbaadada Beeraha iyo xubno kale