Wasiirka Beeraha JS,Oo Kormeer Ku Soo Maray Beeraha Deegaanka Dhubato

Wasiirka Beeraha JSL Cabdiqaadir Iman Warsame Oo Kormeer Ku Soo Maray Beeraha Deegaanka Dhubato

Dhubato (WHB) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha JSL Mudane Cabdiqaadir Iimaan Warsame, oo uu weheliyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta JSL Abdikariim Aadan Cadee ayaa kormeer ku tagay dhul-beereedka deegaanka Dhubato.

Wasiirka oo ay weheliyeen Masuuliyiin ka mid ah Wasaaradda Beeraha, ayaa kormeeray Beeraha halkaasi ku yaalla, kuwaasi iskugu jira Beer-biyoodyo iyo beer-roobaadyo.

Wasiirka iyo Weftigiisa waxa halkaa ku soo dhaweeyay Mulkiilaha beerta Alpha farm Farxaan Aadan Haybe.

Wasiir Cabdiqaadir Iimaan, ayaa bogaadiyey dedaalka ay sameeyeen Farxaan Aadan Haybe oo ahaa wasiirkii hore ee duulista iyo isla guddoomiyihii hore ee hayadda shaqaalaha dawladda ahna siyaasi reer Somaliland ah

iyo Muwaadiniinta kale ee Tacabka badan geliyey inay hirgeliyaan Beero, si dadka iyo dalkuba uga faa’idaystaan.

Wasiirka Beeraha oo ka duulaya qorshaha Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee ah in la dhiirigeliyo Muwaadiniinta sida gaarka Beeraha u samaysta iyo guud ahaan Beeralayda dalka, ayaa Farxaan iyo Beeralayda kaleba ku dhiirigeliyey inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, maaddaama qorshaha mustaqbalka dhow yahay in laga maarmo cuntada dibedda laga soo waarido.

………

Xafiiska Warbaahinta Ee Wasaaradda H. Beeraha JSL