Wasiirka Beeruhu wuxu kormeer ku sameeyey mashaariic laga fuliyey Gobolka Gabiley

Wafti uu horkacayo Wasiirka Beeraha Somaliland Dr. Maxamed Aw Daahir Ibraahim ayaa saaka socdaal shaqo ugu kicitimay deegaano ka mid ah oo hoos yimaadda Gobolka Gabiley, si loo kormeero mashaariic  horumarineed oo ku saabsan beeraha.

Waxa wasiirka socdaalka ku wehelinayay Agaasimaha Guud ee Beeraha Eng. Cabdillaahi Ismaaciil Faarax, Afhayeenka Wasaaradda Beeraha Sacad Muuse Cabdi, Isuduwaha Wasaaradda Beeraha Gobolka Gabiley Cabdirisaaq Sheekh Muxumed, Bashasaab-Xigeenka  Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley iyo masuuliyiin ka tirsan hay,ada Concern World Wide oo uu ka mid yahay u-qaybsanaha hay’addan ee Somaliland Barnad M. Mtonga.

Wasiirka Beeraha Kormeer

Mashaariicdan ay Concern World Wide higelisay wax aka mid ah beero casri ah oo lagu xidhay Geed Abaarey iyo sahamin ceelal biyood oo macaan oo dhismihiisa la filayo in dhawaan la bilaabo. Sidoo kale ururro iskaashatooyin ah oo dhinaca beeraha ah ayaa laga hirgaliyey deegaanadaasi.

Wasiirka oo hadallo kooban ka jeediyey goobaha mashaariicda laga hirgalinayay ee uu socdaalka ku marayay ayaa sheegay inuu Mashruucani wax weyn ka tari doono baahida biyaha iyobBeeraha, dadka deegaannadaasna kula taliyey in ay ka faaiideystaan aqoonta loo keenay.

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay Agaasimaha Guud ee Beeraha oo sheegay in hay’addana ku ammaanay in ceelasha la xidhay ay ahaayeen kuwo duugoobay oo markii hore laga guurey.

Bandhige@gmail.com