Wasiirka Biyaha waxa uu kulan la qaaty Waxgarad Iyo Madaxdhaqameed ku bogaadiyey shaqada uu qaranka u hayo

Wasiirka Khayraadka Biyaha ayaa waxa uu kulan la qaatay Odayaal Waxgarad Salaadiin Iyo Dhallinyaro, kulankaas oo maanta ka dhacay Huteel Diiriye ee Magaalada Hargeysa.

Kulanka ayaa waxa lagu dhiiri gelinayo dardar gelinta xidhiidhka qotada dheer ee Danwadaag Bari. Kulanka waxa gadhwadeen ahaa Wasiirka Khayraadka Biyaha,Mudane Baashe Cali Jaamac,

Dhanka kale waxaa goob jog Ka ahaa Madax dhaqameed Kala gedisan, masuuliyiin, aqoonyahan Kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Wasiirul Dawlaha Wasaarada Biyaha, Mahdi Cismaan Buuri, Suldaan Siciid Yusuf X Ducaale, Suldaan Carab Cabdi Cali, Jiif Caaqil Cali Xirsi, Ku-Simaha Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Khayraadka Biyaha, Maxamed Faarax, Xildhibaan Saleebaan Diiriye, Cabdi Musbaar, Aqoonyahan, Dhallinyaro, Waayeel iyo Rag Kale oo badan.

Kulankan ayaa waxa taageero loogu muujiyey Wasiirka Biyaha Biyaha Baashe Cali Jaamac Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Faarax waxaana uu qayb ka yahay dhiirigelinta loo muujinayey mudooyinkii u danbeeyey .

Waxaa xusid mudan Intii Wasiirka Biyuhu Xilka Wasaaradaasi hayay inay dalka ka bilaabmeen qodista ceelashii ugu badnaa ee biyo looga saarayo dhulka oomanaha ah ee Somaliland.

bandhige@gmail.com