Wasiirka caafimaadka oo Buuhoodle ku tagey booqasho

xagloWafti uu hogaaminaayo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Xaglatoosiye ayaa maanta waxaa si diiran loogu soo dhaweeyey deegaan ka Buuhoodle, halkaasi oo  dadweyne aad u tiro badan oo isugu jira qaybaha bulshada iyo maamulka Gobolka iyo Degmada Buuhoodle  ayaa kaga hor yimid weftiga uu wasiirku hogaaminaayo deegaanka kalshaale oo 35 Km ka xigta dhanka Woqooyi/Galbeed ee Magaalada Buuhoodle.

Ujeedada socdaalka Wasiir ayaa ahayd in sidii deegaanka Buuhoodle aanu saamayn ugu yeelan lahayn hogaamiyaha kooxda Khaatumo, oo haatan isganu ayaamo ka hor uun magaalada soo gaadhay, kuna  sugan hadda magaalada Buuhoole.

Intaa ka dib waxaa  Wasiirka Caafimaadka iyo Weftigiisa  soo gelbiyey gaadiid farro badan iyo Fardo dhinaca gudaha Magaalada iyagoo ku soo wareegay waddooyinka dhaadheer ee magaalada Buuhoodle, ka dibna dadweynaha kala hadlay meel fagaare ah.

Waxaanu Wasiirku ku adkeeyey oo uuga waramay in qaranimada Somaliland ay tahay mid muqadas ah oo lama taabtaan ah, cid kasta oo isku dayda inay waxyeelaysana laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

waxaanu halkaa ka sheegay uguna bushaareeyey dadweynaha reer Buuhoodle  in Xukuumada Jamuuriyada Somaliland ay dhawaan ka fulin doonto mashaariic horumarineed Gudaha Magaalada Buuhoodle.

Tan iyo intii uu Wasiirka caafimaadka ahaa Dr. Saleebaan Ciise Xagla toosiye ayey ay si balaadhan uga mahad sheegteen dadweynaha ku dhaqan gobolada bariga somalilad dhinaca caafimaadka oo uu aad wax uga qabtay.