Wasiirka Caafimaadka oo marti qaad ka helay Masar

Dawlada Masar oo marti qaad rasmi ah u fidisay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-toosiye) isaga oo booqasho safar ugu amba bixi doona bisha October ee inagu soo fool leh.

Waxaana arintan lagu sheegay ka dib markii uu shalay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka uu ku qaabilay xafiiskiisa Safiir-xigeenka dawlada Masar u fadhiya dalka jabuuti Maxamed Al-Amiid oo socdaal ku soo yimid Somaliland.

Xagla-toosiya oo shalay la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta dalka ayaa sheegay in socdaalka safiirka dawlada masar u fadhiya dalka Jabuuti uu la xidhiidhi, dhakhaariir dhawaan iman doonta dalka oo qaliino kala duwan ka fulin doonta Hargeisa, isaga oo uu wasiirku uga mahad naqay dawlada Masar gargaarka ay u fidayaan Somaliland dhinaca caafimaadka.

Xagla-toosiye oo arrimahaasi ka hadlayaana waxa uu waxa uu yidhi:

“Aad iyo aad baan ugu mahad celinyaaa dawlada masar dadaalka ka go’an ee ah in ay wax nagala qabtaan caafimaadka, waxaan qabaa in dadka reer Somaliland-na sida ugu haboon uga faa’iidaysan doonaan dhakhaatiirtanka socota dalka masar ee dhaawaan iman doonta dalka.”

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

Waxaanu u diyaarinay meeshii dadka lagu dawayn lahaa, sidoo kale waxaanu sii diiwaan gelinay dadkii ka faa’iidaysan lahaa dhakhaatiirtan, waana markii labbaad ee ay waddanka yimaadaan, Insha Allah waxaanu ku rajo wayn nahay in ay joogteeyaan daweynta ay wadaan.”

Dhinaca kale waxaa isna ka hadlay Safiir-xigeenka dalka Masar u fadhiya dalka jabuuti oo ka waramay ujeedada socdaalka uu ku yimid dalka, ayaa sheegay inay dhakhaatiir tiradoodu dhan tahay 15 dhakhtar ay iman doonaan Hargeysa, kuwaasi oo uu ku tilmaamay gargaar dhinaca caafimaadka ah oo ay dawlada Masar ugu deeqday Somaliland.

Sidoo kale waxa uu xusay danjiruhu in martiqaad rasmiya ay dawlada masar u fidisay wasiirka Caafimaadka kaasi oo la filayo in uu Wasiirku socdaal ku tago bisha fooda inagu soo haysa Masar.

bandhige@gmail.com