Wasiirka cusub ee Cadaalada oo xilkii la wareegay wasiirkii hore

Wasiirkii hore cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid ayaa waxa maanta xilkii ku wareejiyey wasiirka cusub ee loo soo magacaabay wasaaradda cadaaladda Axmed Faarax Caddare.

Ugu horeyn waxa xil wareejin ka hadlay wasiirka hore Xuseen Axmed Caydiid oo isagu ka mid ahaa koox Madaxweynaha ku eedaysay in uu la saftay Guddoomiye xisbiga Kulmiye uu sharaxan jagadda Madaxweynimada Kulmiye ee shanta sanno ee soo socda. Isagoo ka hadlayana is-casiloodii ayaa waxa uu yidhi:

“Waad ogtihiino waxaanu is-casilnay 26-Kii bishii markii nin walba dhiniiciisa isku gartay ee Madaxweynuhuna u batay dhinacii naga soo horjeeday, taasi waa duruuf siyaasadeed oo soo korodhay.”

Dhinaca kale waxa isagu xafladaas ka hadlayey wasiirka cusub ee cadaaladda oo horena u ahaa wasiir –ku-xigeenkii Amniga ee wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Faarax Caddare oo sheegay in uu ka shaqayn doon horumarinta wasaaradda oo hawlo badani u yaalaan.

bandhige@gmail.com