Wasiirka Cusub ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland,ayaa xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi

Wasiirka Cusub ee wasaaradda diinta iyo awqaafta Somaliland, Maxamed Xaaji Aadam Cilmi, ayaa xilkii kala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Mudane Cabdirisaq Xuseen Cali Albaani.

Munaasibadii xil wareejinta labada masuul waxa ka soo qayb galay xubno ka mida golaha wasiirada, xildhibaano, shaqaalaha weynaha wasaaradda diinta, mudan iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Wasaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaaahin Axmed, ayaa in masuuliyiinta wasaradda Diinta iyo aw qaaftu la yimaadan Barnaamijka Hal-abuurka lagu dhiirigalinayo Malcaamadaha dalka, isla markaana lagaga hortago dhibaatada isticmaalka baraha bulshadu ku keenaan dayarta aan wali qaangaadhin, waxaanu culimada dalka ku waaniyay inay iska ilaaliyaan wixii khilaaf ah.

Wasiirkii hore wasaradda Diinta iyo aw- qaafta Somaliland Cabdirasaq Xuseen Cali (Albani) ayaa sheegay in guddidii Gurmadka suuqii Waaheen ay kala soo shaqeeyeen dib u dhiskii suuqaas lagu sameynayay, iyadoo wasiirku xusey in Golaha wasiiradda wasaraddaas Diinta iyo aw qaaftu kala shaqeyso curinta iyo wax ka baddelka xeerarka kala duwan ee Waddanka, waxaanu uga mahadnaqay shaqaale weynaha wasaaradda iyo culimo u diinka wadanka qaabkii fiicnaa ee ay ula soo shaqeeyeen mudadii uu xilka wasaaraddaas hayey.

Gaba-gabadii wasiirka cusub ee wasaaradda Diinta iyo aw qaafta Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, ayaa shaqaalaha wasaaraddiisa iyo culimada dalka ka dalbaday in shaqada wasaraddaas ku garab siiyaan oo si fiican ula shaqeeyaan