Wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada oo uu Wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda iyo Qaar kamid ah Agaasime-waaxeedyada Wasaaradda ayaa kulan la yeeshay Madaxa Hay’ada UNHCR .

Kulankan oo ujeedadiisu ahayd in loog wada hadlo sidii Wacyigalin Dhinaca Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada ah loo gaadhsiin lahaa Barakacayaasha iyo qeybaha nugul ee Hay’ada UNHCR ka shaqeyso.
Waxa sidoo kale la isla soo qaadey qodobo dhowr ah oo ku qotoma sidii labada dhinac ay uga wada-shaqeyn lahaayeen mabaadii’da ilaalinta Deegaanka iyo La qabsiga Cimilada.
Kulanka ayaa ahaa mid ku soo dhamaaday isfaham iyo in lagu balamay in la sii adkeeyo iskaashiga iyo wadashaqeynta labada dhinac.