Wasiirka Deegaanka oo Rugta Ganacsiga iyo dawladaha hoose ku dhaliishay wax-ka-qabasho la’aanta bacihii la mabnuucay

Shukri Baandare, Wasiirka Deegaanku, waxa ay xuskii Maalinta Deegaanka ka jeedisay warbixin

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare ayaa dhaliil u jeedisay Rugta Ganacsiga ee Somalialnd iyo dawladaha hoose ee dalka iyada oo ku eedaysay in ay kari waayeen fulinta dikreetadii Madaxweyne Siilaanyo dhawaanta ku joojiyey adeegsiga bacaha, soo dejintooda iyo sii iibintoodaba.

Wasiir Shukri oo waraysi khaas ah siisay wargeyska afka dawladda ku hadla ee Dawan cadadkiisii maanta waxa kale oo ay eedayn ba’an u jeedisay ganacsatada Somaliland oo ay ku eedaysay in ay dantooda oo kaliya ka shaqeeyaan laakiin aanay danayn ilaalinta iyo dhawrista deegaanka Somaliland.

“Ganacsatadu waxay ka fikirayaan jeebkoodawaxa gelaya oo kaliya. Kama fikirayaan dhibaatada ay cabdu leedahay” ayay tidhi Wasiir Shukri.

Wasiirka Deegaanku waxay sheegtay in dawladaha hoose ee Somaliland ay ka gaabiyeen ganaaxii ay saari lahaayeen cidda lagu helo tiiyoo iibinaysa baco ama soo dejisay, ganaaxaas oo sida Wasiirku sheegtay horseedi kari lahaa dabar-go’a bacaha.

Dadka u dhuun-daloola arrimaha deegaanka ee Somaliland ayaa aaminsan in bacahu ay dhibaato weyn ku hayaan deegaanka hase ahaatee joojintoodu aanay suurogal ahayn ilaa ay xukuumaddu la timaad siyaasad isku dhammaystiran oo horseedaysa in la helo wixii bacaha lagu doorsan lahaa.

Bandhige@gmail.com