Wasiirka Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiisku wuxu ku dhawaaqay wakhtiga uu bilaabmayo tartanka ciyaaraha gobolladu

Wasiirka Dhallinyaradda, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Axmed Cabdi Kaahin ayaa ku dhawaaqay maanta wakhtiga uu bilaabmi doono tartanka ciyaaraha Gobolladu, isaga oo sidaasi ku sheegay shir-saxaafadeed uu ku qabtay garoonka kubadda cagta Hargeysa Istaadiyam isaga oo ay weheliyaan masuuliyiinta wasaaraddiisa iyo xidhiidhada ciyaaraha ee kala duwan.

Wasiir Axmed Cabdi Kaahin ayaa sheegay in dhammaan Goboladdu ka qeyb-galayaan tartanka ciyaaraha goboladda oo ay dhan yihiin 14-gobol, sidaas darteedna qaybta hore ee ciyaaraha is reeb-reeb waxa lagu qaban doono Gobollada Awdal iyo Togdheer, ka dibna 8-da Gobol ee soo baxa ayaa ku ciyaari doonaan Hargeysa ee gobollka Maroodi-Jeex.

Wasiirka oo ka hadlayey tartan wakhtiga uu bilaabmayana waxa uu yidhi:

“Waxaanu go’aaminay in ciyaaraha Gobollada ee ka dhacaya Gobolladda Togdheer iyo Awdal ay bilaabmaan 10-ka bisha Sibtambar 2015, kuwaas oo noqon doona qaab is reeb-reeb ah waxaanay dhammaan doonaan 22-ka isla bishaas 2015. Waxaana dhinac walba ku ciyaari doonaa 7 Gobol, waxaana soo bixi doona 8 Gobol, waxaana Gobolladaas ka soo baxay is reeb-reebka Togdheer iyo Awdal ay ku ciyaari doona Hargeysa ay 1-da bisha Oktoobar 2015, waxaanu tartanku dhamaan doonaa 25-ka bisha Oktoobar 2015.”

Wasiirka ayaa sidoo kale farriin u diray xulalka Gobollada ciyaaraya iyo bulshada Gobollada marti-gelinaya, waxaanu yidhi:

“Gobollada waxaan leeyahay waxaa la idinka rabaa in ciyaarahani ay noqdaan kuwii ugu heerka sarreeyay, si dadka wax idiin qabtayna magac iyo sharaf u yeeshaan oo wixii ay geliyeen ciyaaruhu u muuqato. Haddii aad nabad-gelyo darro abuurtaanse cidna waxba idin tari mayso, markaa waxaan leeyahay nabadda ha la ilaaliyo, labada Gobollna ee Awdal iyo Togdheer iyaguna ha soo dhaweeyaan dhallinyaradda martida u noqonaysa.”

Taranka ciyaaraha Goboladda ee sannadkan ayaa noqonaya tartankii ugu horeeyey ee ay marti geliyaan saddex Gobol. Sidoo kale waxa markii ugu horeysay ciyaaraha Goboladda lagu ciyaari doonaa garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Istaadiyam oo hab casri loogu goglay dooga sanaaciga.

bandhige@gmail.com