Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Oo Culimada Faray inay Khudbadaha Jimcaha Koobaan, Digniinna U Diray Shacabka iyo Ganacsatada

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa Culimada Masaajiddada u faray inay soo koobaan waqtiga Khudbadaha Jimcaha, isla markaana Salaadaha Faralka ah raaciyaan Ducada Qunuudda oo ay Allaah ka baryaan inuu innaga nabadgeliyo Duriga Dunida ku faafay ee Corona-virus Covid-19. Waxaanu Shacabka ugu Baaqay in Cidda ay wax ka iibsadaan Ka Qaataan Xaashida Caddaynta Qiimaha.

Wasiir Khaliil oo xubin ka ah Guddiga heer Qaran ee ka Hor-tagga Cudurka Corona-virus ee uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland magacaabay, ayaa gelinkii dambe ee Khamiistii Maanta Shir Jaraa’id ku qabtay Xafiiskiisa Xarunta Wasaaradda ee Hargeysa, waxa uu sidoo kale digniin u diray Ganacsatada Reer Somaliland oo uu u soo jeediyey inay Illaahay ka baqaan, Dadkoodana u naxariistaan.

“Waxaynu is-faraynaa inaan laga tegin Ducada Salaad kasta oo Faral ah ee Culimadu Qunuudda akhriyaan, waayo? Xanuunku isma wado ee Illaahay baa wada, innaguna Illaahay baynu ka hoos-galaynaa oo baryeynaa inuu innaga duwo. Waxaynu koobaynaa Salaadaha Jimcaha intii lagu akhriyi jiray Khudbadaha in kala badhkeed lagu koobo, waayo? Muddada kooban ee aynu joogno Masaajiddada waxaynu doonaynaa inaynu Illaahay ku barino, Masaajiddaduna aanay xidhmin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, waxa uu Culimada iyo Bulshadaba u soo jeediyey in lagu Tukado Salaadda Jimcaha Masaajiddada yaryar iyo kuwa Xaafadaha qaar ee aan lagu tukan jirin Jimcaha, waxaanu yidhi; “Masaajiddadii aad loogu soo buuqi jiray in laga kala nafiso oo Masaajiddada yaryar ee aan Jimcaha lagu tukan jiray in lagu tukado si loogu kala nafiso, ayaan soo jeedinaynaa.”

Mar uu Wasiir Khaliil la hadlayey Ganacsatada iyo Shacabka Somaliland, wawxa uu yidhi; “Ganacsatada waxaannu leenahay Dadku waa dadkiinnii iyo walaalihiin, weli Badeecadaha daruuriga ahi way buuxaan oo waatii ganacsatada waawayni caddeeyeen, laakiin waxaannu maqlaynaa oo naloo soo sheegayaa Dadka qaarkood inay laban laabeen qiimaha badeecadaha, qaarkoodna qarinayaan. Nebigu C.S.W wuxu yidhi; ‘Qofka qariya xoolaha, si uu qiimo qaali ah ugu iibiyo, waa dembiile’.”

“Dadweynaha waxaannu ka codsanaynaa in cidda ay wax ka iibsanayaan ka qaataan Xaashida caddaynta qiimaha iyo shayga (Rasiidh), ka idin yidhaahda ma hayo, iskaga taga oo mid haya wax ka iibsada. Warqaddaas caddaynta qiimuhu waxay kuu noqonaysaa markhaati, waayo ma rabno waxaasaa la sheegay. Laakiin, wax cad baa loo baahan yahay, Warqaddaasina waata lagu Maxkamadayn doono ee caddaynta u noqonaya cidda qiimaha kordhisa marka Maxkamadaha la geeyo.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Gebogabadii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, waxa uu Culimada Masaajiddada iyo Shacabkaba ku adkeeyey fulinta Amarrada Dowladdu soo saartay ee la xidhiidha ka hortagga Caabuqa Dunida ku faafay ee Corona-virus iyo ilaalinta Nadaafadda iyo wakhtiga goobaha Cibaadada, bixinta Sadaqada, Alla-bariga iyo Cibaadadana la xoojiyo.

Warbaahinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

Jamhuuriyadda Somaliland.