Wasiirka Duulista iyo Hawada oo Xujaajtii ugu horeysay ka amba-bixiyey maddaarka Cigaal

Xujaajtii ugu horeysay ee u socdaasha gudashada waajibaadka xajka ayaa maanta ka amba-baxay maddaarka Cigaal.

Xujaajtaasi ayaa raacay shirkada cusub ee ay ku midoobeen Shirkadaha Daallo Airlines iyo Jubba Airways oo si toos ah u gaynaya Jidda ee dalka Sucuudiga.
Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa ka hadlay dhaq-dhaqaaqa wakhtigan ee maddaarka Hargeysa iyo qaabka ay ugu diyaar-garoobeen inay daboolaan baahida dhinaca adeegyada rakaabka ka dhoofaya iyo kuwa ka soo dega maddaarka.

Xaashi oo Saxaafadda la hadlay ayaa waxa uu yidhi:

“Waxaanu Maanta halkan garoonka Cigaal ka anbabixinaynaa, Xujaajtii Sanadkan 2015ka, ka Xajaysay Somaliland qayb ka mid ah, oo u baqoosha dhulka barakaysan ee waajibaadka rugnigaa diiniga ah ee Xajka lagu soo guto Maka, farxad weyn ayey noo tahay Wasaaradda Duulista iyo Shaqaalaheeda oo heegan u ah arrimaha bulshada, gaar ahaan dadkan dalkooda hooyo ku soo guryo noqonaaya, ama dalka ka dhoofayaba, in ay adeegyo faro badan u sameeyaan.”

Wasiirka Duulista Somaliland ayaa waxa sidoo kalena uu ka hadlay saamaynta ay leedatay horumarinta lagu sameeyey maddaarka Cigaal waxaanu yidhi:

“waxaanu maanta ku kalsoonahay garoonkeenu maadaama uu hana qaaday oo uu horumar balaadhan uu sameeyay mudadii ugu danbaysay ee xukuumaddan Axmed Maxamed Siilaanyo tallada dalka haysay, in ay dadkaasi la kulmayaan adeegyo hufan, sidoo kale Ilaahay mahadii weeye duulimaadyadan maanta Hargeysa ka duulaya ee Xajku waxay noqonayaan kuwo toos ah oo meel kalena aan ku baydhayn, oo ay ku tagaan meeshii ay ku socdeen.”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray:

“Waxa kale oo Sanadkan isaguna, maadaama uu yahay garoonkii garoon weyn oo hab ah oo kulmiya waddamo badan oo Geeska Afrika ah dadka u kala goosha, waxaa iyana ku cusbaan doona Xujaajta duulimaadyo habeenimo ah oo dhulal kale iyo waddamo awal la marin jiray, in halkan laga dhoofiyo, dadkaa xujaajta ah ee Soomaaliya iyo Somaliland ba ka xajayaan, in halkan lagu kulmiyo oo laga dhoofiyo, adeegyadaas oo dhan ayey Wasaaraddu u diyaarisay, waana waxa garoonkan magaciisa iyo meeqaamkiisa kor u qaadaya, Ilaahay Waxaan ka rajaynayaa in uu ka aqbalo dadkaa xujaajta ah, ee waajibaadka Alle u hogaansamay, anagana ajar iyo xasanaad uu naga siiyo.”

Waxa kale oo wasiirku ka hadlay tirada xujaajta sannadkan la filayo in ay ka dhoofaan maddaarka Cigaal, isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi:

“Dadka reer Somaliland ee sannadkan Xajayaa waxaan ku qiyaasi karaa 2000 ilaa 2500 (Laba Kun Ilaa iyo Labakun iyo Shan Boqol), waxaa jira dad kale oo ka xajaaya waddanka aynu walaalaha nahay ee Soomaaliya, gaar ahaan oo halkan soo maraaya, iyagana waxaan ku qiyaasayaa 1500 (Kun iyo Shan Boqol) waxaa jira dad kale oo iyana meelo kale laga keeni doono oo aanu ugu talo galnay in habeenkii halkan laga qaado, adigu qiyaas ahaan dadka sannadkan ka baxayaa garoonkan Cigaal waxa ay noqonayaan ilaa 5000 (Shan kun oo Qof).”

Adeegyadda madaarka Cigaal ayaa haatan ah qaar la casriyeen oo wax badan loo fududeeyey adeegyada dadka safrayaa ay isticmaalaan.

bandhige@gmail,com