Wasiirka Duulista oo shaaciyey wakhtiga la bilaabayo dhabbada diyaaraha maddaarka Burco

Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in ay hadda ka bilaabayaan laba shaqo madaarka Burco kala ah mid hada sii dhammaanaysa oo ah soo celinta dhulka maddaarku la lahaa iyo xaydaan ay u samaynayaaa maddaarka.

Maxamuud Xaashi oo kormeer ku tegay maddaarka Burco ayaa warbaahinta kula hadlayey maddaarka Burco, isagoo ka xog waramayey arrimaha ay ka qabteen maddaarka ayaa hadaladiisii ka mid ahaa:

“Waxaanu maanta socdaal ku nimi garoonka Burco, garoonkan oo aanu mudaba qorshihiisa gacanta ku haynay ka xukuumad ahaan, Ilaahay mahadii shaqo weyn ayaa halkan ka qabsoontay, waxaan maqlaa dad badan oo garoonkan hadal haya, waxa weeye shaqada la qabtay iyo shaqada hadhay, runtii ta la qabtay ayaa badan, waxa laga yaabaa in aanay dadka u wada muuqan, Burco waxay maanta haystaa weel ay garoon ka samaysato, Dhulkiisii waa la boobbay waxna dadbaa yeeshay, liidkaa diyuuraddu ku degto ee sodanka mitir ah mooyee wax ka soo hadhay ma jirto.”

Isagoo wasiirku hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi:

“Dhul sagaal kiiloo mitir (9KM) ilaa toban kiiloo mitir (10Km) ah ayaa hada xadaysan oo xidhan oo gacanta dawladda ku soo noqday, oo ah dhul loogu talo galay danta guud iyo maddaarka Burco, waa shaqo weyn in aad meel wax ka dhisto ama aad wax ka sameyso, waxa sees iyo gundhig u ah, in aad horta meeshii aad ka sameynaysay hesho, markaa maanta waxa aynu haynaa dhulkii oo diyaar ah oo xidhan, oo aan ku hambalyeynayaa kuna bogaadinayaa bulshadii dhulkaa, wax sifo sharci ah ku mulkiyey, wax dhaxlay iyo wax iska qaatayba, baneeyay ee nala garwaaqsaday, ee dantoodii guud nala gartay, waanu ku hambalyeeynaynaa.”

Waxa kale oo wasiirku xusay shaqooyinka ay ka bilaabayaan maddaarka Burco, waxaanu yidhi:

“Hadda waxaanu bilaabaynaa markaa, labo shaqo ayaa qabsoomay, gacanta dawlada in dhulkii lagu soo celiyaa way qabsoontay, in la xadeeyo oo xayandaab iyo silig lagu sameeyaana way qabsoontay, lacag badan ayaa ku baxday, waxaana iska kaashaday dawlada iyo shacabka oo aan ugu hambalyeynayo dadkii nagala qayb qaatay, shaqadii sadexaad ayaa inoo dhiman oo ah in garoonkani uu noqdo garoon sibidh ah oo uu iska badalo garoon ciid ah, garoonkani muhiimad weyn ayuu Qaranka u xanbaarsan yahay, wuxuu ku yaalaa magaaladii saylada xoolaha Somaliland iyo dawladii Soomaaliya ee waagii horeba muhiimad gaar ah ayuu u xanbaarsan yahay, wuxuu xudun u yahay Gobolada Somaliland ee bariga oo dhan, muhiimadaas weyn ee uu leeyahay darteed ayaa Wasaaradda Duulistu ay ahmiyad iyo mudnaan u siinayssaa in garoonkaa la sameeyo,”

Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena intaasi ku daray:

“Qorshaha saddexaad ee iminka dhimani waxa weeye in la bilaabo shaqadii uu maddaar sibidh ku yeelan jiray, oo la qodo oo la soo dhiso, hal mitir ayaa la qodayaa dhagax adag lagu dhisayaa, shaqo sahlan maaha, shaqo bilo dhammaanaysana maaha, waa shaqo aad u culus, kadibna waxaa la samayn doonaa laba lakab oo sibidh ah, shaqadaasi waa shaqo weyn, hal kiiloo mitir iyo badh oo aanu ka sameynay garoonka Hargaysa Sandad ayuu nagu qaatay, markaa khibarad ayaanu u leenahay, bulshada Gobolka Togdheer waxaanu u sheegaynaa in ay noo qorshaysan tahay in aanu bilawno shaqadaas, shaqadaas waxa ugu horayanaya in la qiimeeyo shaqadii sida loo qabanayo, oo qiimaha uu ku kacaayo marka aanu ogaano, aanu markaa ku talo galno, ugu danbayan waxaa qorshaha noogu jirta in shaqada la bilaabo 2016 bisha 1aad.”

Wasiirka ayaa hore xadhiga ka jaray dhabadda diyaaradaha ee maddaarka Laas-caanood, kuna wareejiyey laba gaadhi oo midi dab-damis yahay.

bandhige@gmail.com