Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka Ayaa La Kulmay Gudiga Amniga Iyo Difaaca Golaha Wakiilada Somaliland

Wasiirka Gaashandhiga Somaliland Iyo Taliyaha Ciidanka Qaranka  ayaa maanta kulan balaadhan la qaatay Gudiga Amniga iyo difaaca ee golaha wakiilada Somaliland kulankaasi oo saacado qaatay ayaa si weyn loogaga hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa meelna looga soo wada jeedsan lahaa wixii qaranka dhib ku ah iyo sidii loo so oaf-jari lahaa xaalka taliye Caarre.

Waxaana kulankaasi saxaafada u faahfaahiyey gudoomiyaha Gudida C/laahi Xuseen Cige(Balaaki) iyo wasiirka Gaashaandhiga Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) kuwaasi oo si isku mid ah uga wada hadlay in muhiimada shirku uu daaranaa xoojinta amniga Qaranka iyo ilaalinta xuduudaha dalka.

Gebo Gebadii waxa halkaasi ka hadlay wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Eng Ciise Axmed Yuusuf(Xawar) oo sheegay ka xukuumad ahaa in markasta ay si buuxda ula shaqaynayaan qaybaha kala duwan ee hayadaha dawlada oo gudiga Amniga iyo difaaca Golaha wakiiladu ay qayb ka tahay waxaana hadaladisii ka mid ahaa(‘’waxaanu aniga iyo taliyaha ciidanka qaranku aanu kulan la qaadanay gudiga amniga iyo difaaca ee golaha wakiilada oo ah gudiga khaas ahaan aanu isku hawsha nahay waxaananu ka wada hadlany marxalada uu dalku marayo, in inagoo mudo 27(todoba iyo labaatan) sanno qaran ahayn in maanta ay jabhado samaysmaan wax fiican maaha waananu dhamaynaynaa sida ugu dhakhsaha badan’’)Ayuu Yidhi wasiirka Gaashaandhiga Eng Ciise Axmed Yuusuf Xawar.