Wasiirka Ganacsiga iyo Maareeyaha Haamaha Shidaalka oo wada-jir u beeniyey heshiiska Wakiilladu laaleen

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Muuse Qaasim Cumar iyo Maareeyaha haamaha keydka shidaalka ee Berbera ayaa maanta si wada jir ah ugu hadlay go,aanka ay Gollaha Wakiiladu ka soo saareen arintii wareejinta haamaha keydka shidaalka ee Berbera.

Waxaana ugu horeyn halkaaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Muuse Qaasim Cumar ayaa ka waramay dareenkiisa ku aadan go,aanka ay gollaha wakiiladu ka gaadheen, wareejinta haamaha shidaalka ee Berbera, kuwaasi oo kal sheegay in lagu wareejinaayo shaqsiyaad gaar ah.

Wasiirku waxa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay arintaasi,waxaanu xusay inaanu jirin qoraal ka soo baxay xukuumada kaasi oo sheegaya in cid gaar ah lagu wareejinaayo haamaha shidaalka Berbera.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiinta haamaha keydka shidaalka Berbera, oo uu hormood u yahay Mareereyaha haamaha shidaalka Berbera Sheekh saleebaan siciid, isagoo oo faahfaahin ka bixiyey qorshaha dhaw ee haamaha keydka shidaalka Berbera, saxaafada ugu waramay xarunta wasaaradda Ganacsiga iyo Maaligashiga isaga oo halkaasi ka akhriyey war murtiyeed ay soo saareen waxaanu yidhi.

‘’Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashigu waa Wasaaradda u xilsaaran Qaranka Somaliland maamulka guud ee haamaha shidaalka Berbera, waxay ay gali kartaa Ganacsi iyo heshiis iyada oo Wakiil ka ah xukuumadda Jamuuriyada Somaliland, arintaana waxaa jideeyey dastuurka qaranka,

Hase yeeshee ma jirto wax heshiis qoraal ah oo aanu u gudbinay xukuumada, Madaxweynuhuna u gudbiyey Gollaha Wakiilada,runtii xaqna uma laha inay ka hadlaan arintaas, oo ay yidhaahdaan go,aan ayaanu ka soo saarnay, iyada oo aanay jirin wax heshiis ah oo ay xukuumadu u soo gudbisay, iyaga oo ku shaqaynaya warar ay suuqa ka maqleen ayay maanta talaabadaasi ay qaadeen, runtii waa wax laga xumaado oo khilaafsan dastuurka dalka.

Xukuumada Somaliland ayaa waxay geed dheer iyo mid gaaban u fuushay sidii ay u hore marin lahaayeen bulshada. Hase ahaatee talaabadan ayaa u muuqata in ay ka dambeeyaan asxaabta siyaasada kuma haboona in horumarinta mashaariicda qaranka la isku hor taago danno siyaasadeed oo gaaban.