Wasiirka Hawlaha Guud ayaa magaacabay guddi farsamo oo ka shaqanaysa nashqadaynta suuqa Waaheen iyo suuqyada dalka

Wareegto uu soo saaray Wasiirka Hawlaha Guud Cabdilaahi Abokor oo uu ku magaacabay gudidan waxay u dhignayd sidan:
Tixraaca wareegto madaxwayne oo Sumadeedu tahay JSL/XM/G/083-839/042020 kuna taariikhaysan 03/04/2022 Kana soo baxday xafiiska Madaxwayanaha JSL nuxurkeeduna ahaa Gudida Qorshaynta Suuqyada Ganacsiga Ee Dalka.
Tixraac xeer 71 qodobkiisa 34aad farqada 5aad 6aad Ee ku waajibinaysa wasaarada Hawlaha Guud Dhulka Iyo Guryaynta Xadidida halbeega dhismaha Iyo kormeer dhismaha si looga badbaadiyo Muwaadininta khataraha dhismaha.
Tixraaca Waraaqda Sumadeedu Tahay WAG/XW/187/02/2022 Ee ku taarikhaysan
07/04/2022 kana soo baxday xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha nuxurkeeduna diyaarinta i fulinta qorshaha magaalooyinka Ee Suuqyada Dalka.
Wasaarada Hawlaha Guud Waxay Isugu Yeedhay Mudanta Injineerada Dalka Ee lagu Tuhmayo aqoon Iyo waayo aragnimo shaqo.
Oo Xeer dheer si ay u hogaamiyaan dib u Dhiska suuqa waaheen Iyo inay dajiyaan Nidaamka lagu hubinayo badqabka Suuqyada kale Ee dalka.
Sidaa daraadeed waxa uu xubnaha hoos ku Xusan u magacaabay inay noqdaan gudida farsamo Ee suuqyada dalka.
1. Maxamuud Cabdi Geedi (Gudoomiye)
2. Ciise Yusuf Guled xamari (G,k,xigen)
3. Cabdiqadir Iman Warsame (project Manager)
4. Surur Sh, Maxamud Warsame (Xubin)
5. Maxamed Siciid Ayaanle (Xubin)
6. Axmed Maxamed Shirwac (Xubin)
7.Axmed Jamac Adan(Xubin)
8. C/raxmaan Maxamed Aar (Xubin)
9. Khadar Maxamud Guled (Xubin)
10. Siciid Maxamud Mire Xubin)
11. Xamse Maxamed Nuur (Xubin)
Fiiro Gaara
Xubnaha gudidu Waa inay wada shaqayn Dhaw la yeeshaan dhamaan dawladaha hoose Ee dalka gaar ahaan dawlada hoose Ee hargaysa mudada ay ku hawlan yihiin Nashqada suuqa waaheen.
Waxaa xubnaha gudida ka mid noqon doona laba xildhibaan Ee ka tirsan golaha Deegaanka hargaysa Ee hoos ku xusan.
1. Eng Jaamac Adan Xadi (Mideeye)
2. Eng C/risaaq Maxamed Faarax (wiiwaa)
Eng. Maxamuud Abdi Elmi oo guddida guddoomiye u noqday waxa uu ka mid ahaa xubnihii u sharaxnaa golaha deegaanka ee Magaaladda Hargeysa kuwoodii loo filayay in ay ku soo bixi doonaan. Waxa uu ka mid ahaa Khubarada ku xeel dheer nashqadaynta iyo waliba wanaajinta Bilicda Magaalooyinka, waxaana wakhtigii uu sharaxnaa uu sheegay in uu ku soo dhex jiray Xirfadan muddo ka ka badan 20 sano.
waxa uu nasiibku ku reebay wax yar oo uu kaga hadhay doorashadda, waxaase uu hadda guddoomiye u yahay guddiga uu magacaabay Wasiirka Hawlaha Guud ee nashqadaynta Suuqyadda.
Il-wareedyo: Faysal FIFA iyo Najax Aadam Cunaaye