Wasiirka iyo ku-xigeenka cusub ee dhallinyarada oo xilkii kala wareegay wasiirkii iyo ku-xigeenkii hore ee wasaaraddaas

Kadib markii todobaadkii hore uu is casilay wasiirkii hore ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska, Wasiir-ku-xigeenkii horena loo magacaabay ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, waxa maanta xilkii la wareegay wasiirka cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo ku-xigeenkiisa. Xafladda xil-wareejintu waxay ka dhacday hoolka shirarka dalladda dhallinyarada SONYO.

Munaasibadan xil wareejinta waxaa ka soo qeyb-galay masuuliyiin kala duwan oo iskugu jiray wasiiro, xildhibaano, masuuliyiin, marti-sharaf iyo shaqaalaha wasaaradda.

Ugu horeyn waxaa halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo DMd. Maxamed Xuseen Axmed “Dhabbeeye” oo wasaaradda ku soo dhaweeyey wasiirrada cusub ee xilka wasaaraddaas la wareegay. Agaasimuhu sidoo kale wuxu sharaxaad ka baxiyey baaxadda iyo wax-qabadka wasaaraddaas waxaana hadalladiisi ka mid ahaa:

“Wasaaraddani waa wasaarad runtii aad iyo aad u baxaad weyn.  Waxaynu ka wada war qabnaa in boqolkiiba toddobaatan (70%) bulshadeenu ay dhallinyaro tahay. Cidda ugu horeysa ee u adeegtaa waa wasaaraddan waxaana maanta farxad weyn dhammaanteen u ah in wasaaraddan oo la aasaasay sannadkii 2000-kii maanta uu xilkeedii uu wareejo wasiirkii 7-aad, halka uu wasiir xigeenkii 3-aad uu isna xilka la wareegayo.”

Agaasime Dhabbeeye wuxu ku dheeraaday waaxaha ay wasaaraddani ka kooban tahay iyo wax-qabadka xilligii tagay iyo waxa ay mustaqbalka beegsanayso.

Dhanka kale waxaa iyaguna madasha hadallo kooban ka yidhi oo dardaaran iyo dhiiri-gelinba u badan Wasiir-xigeenka Diinta iyo Awqaafta, Agaasimaha dallada SONYO Siciid Maxamed Axmed iyo masuulyiintii kale ee ka qayb-gashay munaasibadda. Dhammaan waxa ay masuuliyiinta cusub Ilaahay uga baryeen in uu xilkaas ku asturo.

Wasiirkii hore iyo ku xigeenkiisi ee wasaaradda ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin iyo Yuusuf Cismaan Garas oo madasha ka yidhi hadalo kooban oo soo dhaweyn u badan waxayna masuuliyiinta cusub ku soo dhaweeyeen wasaaradda. Sidoo kale waxay faahfaahiyeen wixii u qabsoomay intii ay hoggaanka wasaaraddan hayeen.

Gabogabadii waxaa iyaguna halkaas ka hadlay wasiirka iyo ku-xigeenkiisa cusub ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane iyo Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin. Waxay madaxweyne Siilaanyo uga mahadiyeen magaacibsta uu magacaabay, waxayna ku ducaysteen in uu Ilaahay ku asturo xilkan cusub ee loo igmaday iyagoo sheegay in ay halkaas ka sii wadi doonaan waxna ku kordhin doonaa wixii shaqadii ay qabteen masuuliyiintii isaga danbaysay ee iyaga ka horreeyey.

Bandhige@gmail.com