Wasiirka Khayraadka Biyaha oo Arabsiyo dhagax dhigay ceel-biyood cusub , kormeerna ku tagay Wajaale

Xaaladda biyaha Degmada Arabsiyo ayaa la filayaa in ay mustaqbalka wax iska beddelaan kadibmarkii uu Arbacadii Wasiirka Biyaha ee Somaliland Baashe Cali Jaamac dhaga dhigay ceel-biyood cusub oo la hirgelin doono.

Musaasibadda dhagax-dhigga waxa wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Biyaha, Maamulka Gobolka Gabiley iyo Maamulka degmada Arabsiyo.

Waxa ugu horeyn ka hadlay xaflada dhagax dhiga ceel-biyoodka gudoomiyaha degmada Arabsiyo Cabdilaahi Cabdi Faarax oo sheegay in biyo-galinta degmada arabsiyo oo ay tahay markii ugu horaysay ee biyo la galiyo, sheegayna inay wax weyn ka tari doona xaalada biyaha magaalada.
Waxaa isaguna ka hadlay gudoomiye-xigeenka Gobolka Gabiley Ali Abdilaahi (Ali Case) sidoo kale wuxuu sheegay in ay muhiimad gara u tahay dhamaan gobolka gabilay gar ahaan degmada arabsiyo, sidoo kale wuxuu sheegay in inbadan Arabsiyo sugaysay biyo-gelinta.

Sidoo kale waxaa isaguna ka hadlay Wasiirka Biyaha Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay in dhererka biyo-gelin uu dhan yahay 5 kiloo mitir, ceelka laga qodayna uu dhararkiisu yahay 110 mitir, sidoo kale wuxuu ka codsaday dhamaan beralayda degmada Arabsiyo in ay la shaqeeyaan dadka ka shaqaynaya biyo-gelinta degmada.

Sidoo waftigan wuxuu kormeer ku soo maray degmada Wajaale gar ahaan mashruuca biyo-gelinta degmada oo ay soo indho indheyeen.
Ugu horyan waxa ka hadlay Xoghayaha dowlada hoose Liiban Maxamed Jibriil iyo badhasaab-xigeenka Gobolka Gabiley Cali Cabdi Cabdilaahi, ayaa sheegay in shaqadu si wanagsan u socoto, ka gobol iyo degma ahaana ay marwalab kormeeran mashruucan.
Gebo gebodi waxa ka hadlay wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac, waxaanu sheegay in halka biyaha looga soo qadayo Botor oo ah meesha biyaha siisa gobolka Gabilay intiisa badan, sidoo kale waxay sheegeen in xukuumada iyo wasaaraduba ay ka shaqeeyana sidii ay biyo nadiifa u heli lahayeen dadka reer wajaale, dhawaanna heli doona haddi alle yidhaahdo.
Il-wareed: Telefishanka Qaranka

Bandhige@gmail.com