Wasiirka Maal-gashiga oo Suxufiyiin ka Socday Dalka Itoobiya uga Waramay Fursadaha Maalgashi ee Dalka JSL

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee JSL Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Mahamed ayaa suxufiyiin ka socday Warbaahinta Itoobiya uga warramay Fursadaha Maalgashii ee dalka ka jira iyo xidhiidhka wanaagsan ee ka dhexeya Somaliland iyo Itoobiya.

Wasiirku wuxuu xarunta Wasaaradda shalay ku soo dhaweeyay suxufiyiin ka socday qaar ka mid ah warbaahinta Itoobiya, kuwaasi oo Hargeysa kaga qaybgalay xafladihii dabaal-degga sannad guurada 33-aad ee ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 18-ka May.

Suxufiyiintan oo kala ahaa Mr. Desta Gebra oo ka socday wargeyska The Ethiopian Herald iyo Addis Assefa oo ah suxufi caan ah oo soo saara filimada dukumentariga ah,

Waxaana wasiirka soo dhaweynta Suxufiyiinta ku wehelinayeey Agaasimaha Waaxda xidhiidhka dadweynaha iyo warbaahinta ee wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ee JSL Mudane Ibraahim Cali Axmed iyo Faadumo oo ka socotey wasaaradda Arrimaha Dibadda.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sharaxaad dheer ka siiyeey warshadaha Wax-soo-saar-ka ee dalka. Geesta kale wasiirka ayaa ku dheeradey fursadaha Maal-gashii ee yaalla dalka iyo iskaashiga dhinaca horumarka ah ee ka hir-gallay labbada dawladdood.

Dhinaca kale wasiirka Maal-gashiga Somaliland ayaa warbaahinta ka socotay dalka Itoobiya uga waramay sida loogu baahan yahay in labada dal ay iska kaashadaan dhinacyada warshadaha iyo maal-galinta kaabayaasha dhaqaalaha, waxaanu intaasi ku daray in aad loogu baahan yahay in laga faa’iidaysto sidii la isaga kaashan lahaa.

Gabogabadii Suxufiyiinta ka socday dalka Itoobiya ayaa wasiirka waydiiyay su’aalo la xidhiidha warshadaha dalka iyo qaabka maal-gashi ee Somaliland, taasi oo uu warsiirku sharaxaad dheer oo ay ku qancaan ka siiyay.

 

 

 

Xigasho:wargeyska dawan Bandhige@gmail.com