Wasiirka Maalayadda Somaliland oo tababar u furay Agaasime Waaxeedyada iyo Ku-xigeenada wasaaraddaasi

Wasiirka W.H.Maaliyadda Dr. Saad Ali Shire iyo Agaasimaha Guud ee W.H. Maaliyadda Mohamed Abdi Gurxan ayaa si wada jira tababar ugu furay Agaasime Waaxeedada iyo Ku Xigeenadooda, gaar ahaan kuwii uu magacaabay Wasiir ka Wasaaraddu 7/08/2019.

Tababar-kan ayaa ku saabsan hogaaminta iyo Isbedel-kusamaynta Hab-maamulka iyo Maaraynta (Leadership and Change Management). Wasiirka Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ayaa si isku mida ugu nuux-nuuxsaday muhiimada tababarkan isla markaana waxay kula dardaarmeen madaxda Waaxyaha ee tababarkan loo qabtay inaanu noqon tababarkoodu geed-kaga kac balse ay ka muuqato hab-maamulkooda shaqo.

Intaa kadibna waxa hawsha la wareegay macalinkii tababarka bixinayey Pro: Saleebaan oo ah khambiir Wasaaradda lataliye u ah.

 

Allaah ayaa mahadle

W.X.Dadweynaha W.H.Maaliayadda