Wasiirka Maaliyada Dr. Sacad oo Beeniyay Inuu Madaxweyne Bixi U Gudbiyay Is Casilaad

Wasiirka maaliyada Dr.Sacad Cali Shire ayaa sheegay in miisaniyada cusub ee la ansaxiyay ay guud ahaan macalimiinta dalka u kordhinayaan mushaharaadka, waxa sida oo kale uu sheegay in aanu wax is casilaad ah u gudbin madaxweyne Biixi isla markaasna aanay maskaxdiisaba ku jirin.

Wasiir Sacad ayaa sida oo kale ka hadlay waxyaabaha uu ka qabtay wasaarada maaliyada intii uu xilkaas hayay, waxaanu arimahan uga waramay tilifishanka Horyaal, waxaana isaga oo ugu horayntii ka hadlaayay waxyaabaha uu ka qabtay wasaarada maaliyada uu yidhi “ Waxaan is leeyahay waxyaabo badan ayaad wasaarada ka qabatay  waxa ugu horeeya maamul wanaaga, isla markiiba waxaanu bilownay maadaama oo ay ahayd sanad dhamaadkii sidaan uga shaqayn lahayn miisaaniyada cusub 2018  isla markaasna aanu qorshe ugu samayn lahayn 2019-ka, waxaanu dhamays tirnay hawl soo socotay oo ah istaraatiijiyada dheer  ee wasaarada maaliyada, waxaan ku soo kordhiyay saddex qaybood oo cusub iyo labaatan qaybood oo kale, waxaanu  culayska  saarnay sidii aanu xooga u saari lahayn tayada shaqaalaha  oo aan u tababari lahayn darawalka ilaa madaxda, waxaanu samaynay qoraalo aan ka yarayn ilaa sodon ilaa afartan oo ku saabsan maamulka iyo habraaca  wasaarada,  waxaanu aad iyo aad ugu da’daalnay nidaamka BFM-ka  dib u habynta maaliyada qaranka, markaas farsamo ahaan heerkay maanta joogtaa waa mid ka sareeya kaan ugu nimi ayaan is leeyahay, xaga wax soo saarkana waxaan is leeyahay aad ayaad ugu guulaysateen sidaad u soo saari lahaydeen dakhligii qorshaysnaa.miisaniyadu sideeda ayay nuugu soo xarootay bishan aynu ku jirno  horaanteeda iyo 11 kii bilood ee ka horeeyay waxii aanu qorshaysanay inay noo soo xaroodaan waa noo soo xaroodeen.”

Wasiirka ayaa la waydiiyay cashuuraha cusub ee laydhka iyo tilifoonada ay ku soo rogeen iyo sida ay u qaadayaan “ Cashuurtan cashuur cusub maaha waa tii iibka laakiin markii ugu horaysay ayuunbaanu ku bilownay adeegyada  tilifoonada iyo korontada, xaga cashuurta wali qalab maanu qaybin  oo in yar oo tijaabo ah ayaanu soo iibsanay laakiin wali maanu ku wada qaybin goobaha ay tahay in cashuurtaas laga qaado, sideedaba maadaama oo ay ganacsatadeenu iska tahay mid aan qoraal ku salaysnayn  cashuuraha aanu qaadno oo dhan waxay ku salaysan yihiin is aamin shirkada inta u shaqaysa waan ku aaminaa, mushaharka shaqaalaha waanu ku aaminaa,macaashu macaashka waanu ku aaminaa markaas aaminaad  ayuu aad ugu xidhan yahay markaas marxaladan aynu marayno aaminaad aanu ku qabo waxii ay qaranka u qabteen in aanay ku baaqanayan laakiin mustaqbalka in loo sameeyo agabkii lagu ilaalin lahaa cashuur walba. hadii aan ka shakino  in lacagta ay qaadeen ay ka badantahay lacagta ay soo gubiyeen baadhitaankeeda ayay u  baahantahay oo taas waa la sameeyaa, markasta oo haayad laga qaadayo cashuur  hadii aanay waaqsanayan tii laga filaayay waa la baadhaa.”

Waxa uu wasiirku maaliyadu sheegay inay sanadkan mushaharka u kordhinayaan macalimiinta dalka“ Sanadkan waxa miisaaniyada ku jirta in 25% loo kordhinaayo macalimiinta, miisaaniyadeenuna ma wada awoodi karto in shaqaalaha mar loo wada kordhiyo oo shaqaalaheenu waa ilaa kunton kun.”

Ugu danayntii wasiir Sacad Cali Shire oo la waydiiyay inuu madaxweyne Biixi u gudbiyay is casilaad waxa uu yidhi“Waxba kama jiraan, isma casilin mana dalban  niyadana kuma hayo.”

Xigasho: Geeska Afrika