Wasiirka Maaliyadda oo kulan la Yeeshay Wefdi Koonfur Afrika ah

Wasaaradda Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliladn Dr Sacad Cali Shire ayaa qaabilay wefdi ka socda dalka Koonfur Afrika oo danno maalgashi dalka u jooga.

Kulanka Wasiir Dr Sacad iyo Wefdiga Koonfur Afrika oo goob-joog ahaa Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Koonfur Afrika Axmed Jaamac Xasan iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Dibedda ayaa lagu sheegay inay bilow u tahay iskaashi dhexmara labada wadan

Agaasimaha Guud ee Arrimaha Dibedda Md Siciid oo farriin ku baahiyey bartiisa Twitter kaga hadlay kulanka iyo muhiimadiisa ayaa sheegay,

“Mar kale, waxaa farxad weyn ii ah inaan ka soo qayb-galno kulan muhiim ah oo aan la yeelanay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo soo dhaweeyay weftigan maal-gashadayaasha ah ee Safiirka Somaliland ee Koonfur Afrika dalka keenay.

Waxaan rajeynayaa in wefdigani soo kordhin doono mashaariic horumarineed iyo iskaashiga caalamiga ah ee labada dal.

Xigasho: Wargeyska Dawan

bandhige@gmail.com