Wasiirka Madaxtooyada oo xadhiga ka jaray dhismayaal cusub oo loo dhisay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada

Munaasibad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaamisay islamarkaana ay soo agaasimeen Taliska iyo Saraakiisha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ayaa lagu qabtay xarunta Qasriga Madaxtooyada, waxaana kasoo qeyb galay Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ujeedadeenu daarnayd xadhig ka jirista Dhismayaal cusub oo ciidanka loo dhisay.

Ugu horayn Waxaana halkaasi ka hadlay Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Gaashaanle Sare Axmed Cali Maygaag kana war bixiyey mudadii uu joogay waxqabadkiisa isagoo xusay in uu qabtay waxyaabo badan oo ay ka mid yihiin dhismayaasha cusub ee maanta xadhiga laga jaray, sidoo kale waxaa uu xusay Taliyuhu Beerta Wajaale oo ah beer u gaara oo ay leeyihiin Ciidanka Madaxtooyada laguna sameeyey dayactir balaadhan hadana ay lana manaafacaadsado wixii ka soo go,a beerta, iyadoo loo sameeyey dhismeyaal isugu jira laba qol oo ay degan yihiin ciidanku iyo istoodh weyn oo lagu kaydiyo wixii ka soo go,a beerta, waxaana lagu caawiyey ciidankaasi gaadhi qabaala oo ku adeegtaan.

Taliye Axmed ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in ay jiraan dhismayaal badan oo laga hirgeliyey Madaxtooyada ayna leeyihiin Ciidanku waxaaana uu amaanteeda gacan qabashadeedaba usoo jeediyey Wasiirka Madaxtooyada oo uu sheegay in aanay la’aantii suura gasheen. Sidoo kale waxa uu sheegay in ay Ciidanku leeyihiin kala danbayn iyo nimaad ay raacaan iyadoo haybadooda iyo tabaradadooduba tahay mid aad u heer saraysa.

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa hanbalyo u diray Ciidanka Madaxtooyada oo uu ugu horeeyo Taliye Axmed Cali Maygaag, taliye ku xigeenka Ciidanka Cabdi Cismaan Ducaale iyo Saraakiisha kala duwan ee ciidanka soona dhaweeyey dhismayaashaasi loo dhisay ciidanka Ilaalada Madaxtooyada, waxqabadka iyo dedaalka balaadhan ee ay sameeyeen, Wasiirka ayaa sheegay dhankooda in ay diyaar u yihiin wax la qabashada Ciidamada Ilaalada Madaxtooyada iyo kor u qaadida haybadooda ciidan.

bandhige@gmail.com