Wasiirka Madaxtooyadda ayaa ka warbixiyey dhismaha waddada Ceerigaabo

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ka war bixiyey dareenkiisa ku aadan dhismaha waddada Ceerigaabo, isaga oo ka hadlaaya waxaanu yidhi:

“Sida aad ka war qabtaanba waxa ayaamahan dambe soconaayay waftigii uu madaxweynuhu hoggaaminaayey ee Gobolada Bariga oo uu wafdigu ka soo laabtay Sool haatana soo gaadhay Sanaag oo laga hirgalinaayo mashruuca ugu balaadhan dalka oo dhan.”

Waxa oo uu hadalkiisa raaciyey

“Runtii tijaabadii ugu adkayd ee qarankani uu sameeyaa waxay noqotay waddada isku-xidha Ceerigaabo iyo Burco, waana wax ilaahay loogu mahadnaqo in ay guushii dhawdahay oo wax yari u dhiman tahay, oo maantaba waxa la diyaariyey in ku dhaw 150km, Waxaanay ahayd imtixaan ay ku kala baxeen inta Somaliland dhuuniga u dhex joogta iyo inta dhaqasho ugu dhabar jabtay.”

Waxa kale oo amaan usoo jeediyey cidka oo ka qayb qaatay dhismaha waddada Ceerigaabo, waxaanka mid ahaa hadalkiisa:

“Waxaan halkan amaan iyo bogaadin uga soo jeedinayaa shacabkii xoolihii noolaa ee ay dhaqanayeen iyagu ku daray dhismaha waddada Ceerigaabo, kuwaas waxaan odhan karnaa waxay soo nooleeyeen dareenkii ahaan jiray iskaa wax u qabso, waana dad ku dayasho mudan,waanay ku amaanan yihiiin.”

Gaba gabadii waxa uu sheegay wasiirka wasaaradda Madaxtooyadu in dhamaan daamurkii gali lahaa jidka Ceerigaabo diyaar yahay, sidoo kalena ay diyaar yihiin lix dhagax burburiye oo ku rakiban buuraha.

bandhige@gmail.com