Wasiirka Madaxtooyadda iyo Guddida Waddada Ceerigaabo ayaa jaaliyadaha dibedda ka guddoomay lacago

Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa lacago kala duwan kala wareegay jaaliyadaha Ingiriiska iyo Iswiidhan lacago loogu deeqay dhismaha waddada Ceerigaabo.

Xirsi oo ka hadlay guddoonka deeqdan waxa uu yidhi:

“ Halkan waxaanu maanta kaga guddoonay Jaaliyadda Birmingham ee Ingiriiska $25,400 (shan iyo labaatan kun iyo afar boqol oo Doollar) lacagtaa oo ah qaadhaanka waddada Ceerigaabo. Aad iyo aad baan ugu mahad-naqaynaa dadkii lacagta ku soo deeqay iyo kuwii soo ururiyey labadaba. Aniga iyo Sacdiya Aw Muuse waanu idinka guddoonay lacagtan annaga ka wakiil ah guddida waddada.”

Wasiir Xirsi waxa uu ku daray in ay jaaliyadda Iswiidhan ka guddoomeen $11,500 (kow iyo toban kun iyo shan boqol oo Doollar) wuxuna uga mahad-celiyey dedaalka ay sameeyeen. Guud ahaana jaaliyadaha Somaliland wuxu u rajeeyey in Ilaahay ka abaalmariyo deeqaha ay u soo direen dariiqa Ceerigaabo.

Gabagabadii waxa uu ka warbixiyey halka uu marayo dhismaha waddada Ceerigaabo waxaanu yidhi:

“Waad arki karaysaan halka jidkii marayo, haddii aanu dhaqaale helin jidkani sii socon maayo. Waxaan leenahay aan dedaalka kordhino dhamaanteenba gudo iyo dibedba.”

Wasiirku wuxu sheegay in lacago badan la bixiyey laakiin weli loo baahan yahay lacag si loo dhammaystiro jidka.

Dhawaan ayaa Madaxweyne Siilaanyo furay 150 kiiloo-mitir oo u dhiganta kala badh jidka la qorseheeyey in la dhiso, kaas oo isku xidhi doona Burco iyo Ceerigaabo. Jidkan ayaa ahaan jiray mid raf ah oo socotadu dhib badan kala kulmi jirtay.

bandhige@gmail.com