Wasiirka oo Dhagax-dhigay Waddo Beeralayda U Sahlaysa Inay Wax Soo-saarkooda Suuq-geeyaan

Wasiirka waasaradda Horumarinta Beeraha Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo masuuliyiin ka socota Sanduuqa Horumatinta Somaliland (SDF), ayaa Maanta Waddo isku xidhaysa Boorama iyo Xeego.

Wadaddan oo qayb ka ahayd mashruuca dhaqaalaynta Ciidda iyo biyaha oo Wasaaradda Horumatinta Beeraha Somaliland ka fulinayso deegaano ka mid ah Gobolka Awdal.

Wadaddan ayaa beeralayda deegaanka xeego u sahli doonta in ay wax soosaarka beerahooda si fudud ugu iib-geeyaan suuqyada Somaliland, maaddaama oo markii hore beeralayda deegaanku dhib wayn ku qabeeen.

Dhismaha jidkan, ayaa waxaa uu ka mid yahay siyaasadda qaran ee ku aadan kobcinta iyo dhiirigalinta beeralayd dalka.

Waxa xusid mudan, In Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Beeruhu ay qayb ka yihiin Madaxda Hay’adda ADO oo mashruucan fulinaysa.
.