Wasiirka Qorshaynta oo kormeeray mashaariicda Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee Saaxil iyo Togdheer

Wafti Baladhan oo uu hogaaminayo Wasiirka Qorshaynta Qaranka Iyo Horumarinta Dr. Sacad Cali Shire kana kooban Wasiiru-Dawlayaasha Maaliyadda iyo Khayraadka Biyaha, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Biyaha, masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Biyaha, masuuliyiin ka socday xaafiiska Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF, ayaa kulamo la yeesheen maamullada iyo madaxda gobollada Saaxil iyo Togdheer.

Ujeeddada kulmadan ayaa ahayd u kuurgalida iyo indho indhayn halka Ay marayaan Mashaariicda Biyo Balaadhinta ee Magaalooyinka Berbera Iyo Burco ee laga maal galinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF .

Waftigu inti uu ku sugnaa Gobalka Saaxil waxa uu kulamo kala duwan la yeeshay Maamulka Gobalka iyo Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Magaalada Berbera iyagoo ka wada hadlay sidii loo dardar galin lahaa Mashaariicda Horumarinta ee laga maal galinayo Sanduuqa Horumrinta Somaliland ee SDF, waxay waftigu kormeer kusoo mareen mashariicda kale ee ka socda Gobalka Saaxil ee laga maal galinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF kuwaasoo ay ka mid yihiin Dhismaha Xafiiska Wasaarada Deeganka ee Gobalka Sahil ,Mashruuca Biyaha ee Dubaar iyo Biriishka Huduse ee isku xidha Magaaloyinka Berbera Iyo Sheikh kaasoo dib udhis iyo Dayactir lagu sameeyey.

Intaa ka dib Waftigu waxa uu u kicitimay Gobalka Togdheer Magaalo Madaxdiisa Burco halkaasi oo uu kulamo kula yeeshay Masuuliyinta Gobalka, waxaanay ka wada hadleen Mashruuca Biyo Balaadhinta Magaalada Burco iyo waxyaabaha ilaa haatan ka qabsoomay iyo waxa ka dhiman sidii loo dhamaystirilahaa, waxaanay Masuuliyiintani isla qaateen in la dadajiyo dhamaystirka Mashruuca Biyo Balaadhinta ee Magaalada Burco.

Ugu Dambayn waxaa uu Waftigu Kormeer kusoo Maray Meelaha ay Marayaan Beebabka Biyaha iyo Dhismaha Xafiiska Wasaarada Deeganka Ee Gobalka Togdheer kuwaasoo laga maal galinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF