Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay masuuliyiinta jaamacadda Hargaysa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland Md. Sulayman Yusuf Koore, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Md. Maxamuud Yuusuf Muuse iyo Agaasimaha Cilmibaadhista iyo addeega bulshada ee Jaamacadda Hargeysa Md. Warsame Maxamuud Axmed.

Kulanka waxa Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta Md. Cabdiqaadir Dayib Askar iyo Madaxa Cilmi- baadhista iyo Istaatistikadda ee waaxda qorshaynta marwo Raxma C/laahi Maygaag.

Kullanka ayaa ujeedadiisu ahayd in Jaamacadda Hargeysa ay ka taageerto tababaridda shaqaalaha ka hawl galaya xog-ururinta Cilmi-baadhis lagu sameynayo dhagaystayaasha Radio Hargaysa iyo daawadayaasha Telefishanka Qaranka Somaliland SLNTV. Cilmi-baadhistaasi oo uu fulin doono xafiiska Cilmi-baadhista ee Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda Warfaafintu.

Waxaa sidoo kale lagaga wada hadlay xoojinta xidhiidhka u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Jaamacadda Hargeysa.

Gudoomiyaha Jaamacadda Hargeysa ayaa dhiniciisa balan qaaday in diyaar u yihiin fulinta tababarkaas iyadoo Wasiirkuna dhankiisa Gudoomiya iyo Jaamacaddaba ku amaanay joogteynta iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradda

iyadoo ugu danbayna laysla qaatay inla kala saxeexdo heshiis arintaa ku saabsan iyo sii xoojinta wada shaqaynta ka dhaxaysa labada dhinac, kullankaasi wuxuu kusoo dhamaaday jawi wanaagsan iyo is afgarad.