Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo Magacaabay Guddida Cusboonaynsiinta iyo Ruqsadaha Warbaahinta

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Afhayeenka Xukuumadda Mudane Saleebaan Yuusuf Cali  Koore, ayaa magacaabay Guddida  Cusboonaynsiinta iyo Ruqsadaha Warbaahinta.

Sidaasna waxa uu Wasiirku ku sheegay Wareegto uu soo saaray oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, kaasi oo u dhignayd sidan:-

“Anigoo tixgelinaya  ahmiyadda weyn ee ay qaranka u leedahay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, isla markaana  gudanayna shaqada baaxada leh  ee aynu u hayno Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan Warbaahinta kala duwan ee ka hawlgasha Gudaha JSL.

Haddaba,  laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 22 November 2020, waxa aan magacaabay Guddida magacyadoodu hoos ku xusan yihiin, kuwaas oo ka shaqeyn doona hadday noqoto dib u eegista ruqsadihii hore loo bixiyey iyo cusboonaysiinta Ruqsadaha Warbaahinta oo ay bixiso Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.

Magacyada Guddida uu Wasiirku magacaabay waxa ay kala yihiin:-

1)- Mukhtaar Maxamed Cali – Guddoomiye,

2)- Xuseen Cali Nuur – Xubin

3)-Cumar Maxamed Faarax – Xubi

4)- Xamse Caydiid  Maxamed – Xubin

5)-Khaalid Axmed Cali – Xubin

6)- Yaasmiin Axmed Yuusuf – Xubin

7)- Cabdiqaadir Dayib Askar  Xoghaye.

Xigasho: SOLNA