Wasiirka Warshadaha iyo Ganacsiga oo ka qayb galay shirka arrimaha ganacsiga iyo dhaqaalaha oo loo wada qabtay Somaliland, Puntland iyo Soomaaliya

Wasiirka Warshadaha Shucayb Maxamed Muuse ayaa ka qayb galaya shirka ganacsiga iyo dhaqaalah oo lagu qabanayo Dhanmaak, shirkan ayaa waxa soo abaabushay ururka lagu magacaabo SPARK.

Shirkan ayaa waxa ku kulma wasiiradda Somaliland, Soomaaliya iyo Puntland. Ajandaha shirkan ayaa waxa lagaga hadli doonaa arrimaha maalgashiga, ganacsiga iyo shaqo-abuurka.

Shirkan ayaa waxa dhinaca Somalia uga qayb galay Wasiirul Dawlaha Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Xasan Aadan, iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiwali Xirsi Cabdile.

Shirkan ayaa waxa sidoo kale ka qayb galaya ganacsato ka kala socda Puntland, Somaliland iyo Soomaaliya.

Dhinaca kale waxa iyaguna ka qayb galaya shirkaasi madax ka socota Wasaaradda Arrimaha Debadda Dhanmaak, Jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Dhanmaak gaar ahaan kuwa ku nool Copenhagen, kuwaasi oo ku war helay ajandayaashi shirkaasi loo qaybiyey, ee ay dhinaca kale yihiin Somalia iyo Puntland.

Jaaliyadda reer Somaliland ee ku sugan Dhanmaak ayaa waxay la yaabeen waxa uu wasiirku ugu milmey weftiga Soomaaliya ee shir gooni ah ugu qaban waayey ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland.

bandhige@gmail.com