Wasiirka Warshadaha Somaliland wuxu qado-sharaf Ceelginiiseed ugu sameeyey Safiirka Jabuuti

Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa sabtidii hadhimo-sharafeed la isku arkay u sameeyey safiirka cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha Jabuuti u soo magacaabay Somaliland Danjire Xuseen Cumar Kawaaleeye.

Qado-sharafeeddan wuxu Wasiirku ku sameeyey Ceel-giniiseed oo ka tirsan gobolka Gabiley ahna deegaan hodan ku ah beeraha noocyadooda kala duwan, gaar ahaan beeraha waraabka ah ee loo yaqaan bustaanka, waxana afarta gees kaga hareeraysan buuro inta badan cagaaran kuwaas oo qurux ku sii kordhiyey deegaankan.

Shucayb Safiir Jabuuti2

Wasiirka Shucayb waxa munaasibaddan kala qayb-galay Guddoomiyaha Gobolka Gabiley Mustafe Cabdi Ciise “Shiine”, maayarka Gabiley Maxamed-Ammiin Cumar-Dheere, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cilmi Aadan “Ilka-Case”, Guddoomiye-Xigeenka 3aad ee Kulmiye Xildhibaan Waabeeye, wasiirkii hore ee ganacsiga Abiib Xasan Filfil, Jiif-Caaqil Dayib Ciidle Ammaan iyo marti-sharaf kale oo qiimo badan.

9-kii August ayaa xukuumadda Somaliland ay Danjire Kawaaleeyey si diirran ugu soo dhawaysay Madaarka Cigaale ee Hargeysa.

Dadweynaha Somaliland ayaa aad ugu farxay in xukuumadda Jabuuti ay safiirkan u soo magacawdo Somaliland iyadoo ay dad badani warbaahinta mariyeen farriimo ay ku muujinayaan farxaddooda.

Shucayb Safiir Jabuuti4

Shucayb Safiir Jabuuti5

 

Hoos ka akhriso warar hore oo kan la xidhiidha:

La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda iyo masuuliyiin Reer-Gabiley ah oo soo dhaweeyey magacaabista Safiirka Jabuuti

Safiirka Jabuuti oo dalka lagu soo dhaweeyey

Bandhige@gmail.com