Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL,iyo Guddida Gurmadka iyo Dib-u-Dhiska suuqa Waaheen ayaa maanta kulan la yeeshay qaar,iyo Guddida Gurmadka iyo Dib-u-Dhiska suuqa Waaheen ayaa maanta kulan la yeeshay qaar…

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddida Gurmadka iyo Dib-u-Dhiska suuqa Waaheen ayaa maanta kulan la yeeshay qaar ka mid hantiilayaasha guryaha suuqa Waaheen, kulankaas oo ka qabsoomay Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL.

Ugu horayn waxa Shirka furay Wasiirka Arrimaha Gudaha waxa aanu sheegay in ay dhegaysan doonaan war-bixintooda iyo wixii ay ka cabanayaan ba, waxaanu xusay Wasiirku in ay wada qaadan doonaan go’aan lagu midaysan yahay.

Hantiilayaasha Sekadaha Block 5 iyo Block 11 ayaa sharaxaad ka bixiyey waxa ay ka cabanayaan, kuwaasi oo sheegay in wadadii u dhaxaysay labadooda sakadood loo gorsheeyey in laga dhisayo guryo, taasoo sababaysa in ay xidhanto wadadu.

Geeska kale, xubno u hadlay Guddida Gurmadka iyo Dib-u-dhismaha Suuqa Waaheen ayaa u cadeeyey hantiilayaasha labadaasi sekadood ee Block 5 iyo Block 11 in aanay waxba ka jirin in la iibiyey wadada dhex marta sakadahooda, waxayna xuseen in halkaas laga dhisayo 12 guri oo qaarkood dhulkoodii lagu fidiyey Sariibadda (A1) iyo qaar wado laga soo raray.