Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland,iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi ayaa kulan la qaatay Madaxa Mashruuca JPLG.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaasi Maxamed Yusuuf Ismaaciil ayaa kulan la qaatay Madaxa Mashruuca JPLG.

Kulankan ayaa lagaga dooday bilowga weji afraad ee mashruuca maamul Daadejinta ee JPLG, kulankan waxaa ka soo qaybgalay Hay’addaha qaybta ka ah Mashruucan.