Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. . Cabdirahim Hirsi Jaamac Dhooble ayaa maanta soo xidhay kullan hal Maalin socday oo ku saabsanaa dib-eegis iyo Kaabis Siyaasadda Dhalinyarada Somaliland ee 3-aad( SYNPIII) oo lagu qabtay magaalada boorama.

Kulankan ayaa waxaa lagu gorfaynayey sidii wax ka bedel iyo kaabis loogu samayn lahaa siyaasadda horumarinta dhallinyaradda Somaliland,

Waxaana kas oo qayb-galay Xoghayaha Dawladda Hoose ee degmada boorama, Agaasimaha Waaxda Qorshaynta iyo xog ururinta ee WDH&C ahna gudoomiyaha gudida Dib-ueegista siyaasadda dhallinyaradda somaliland,Madaxa horumarinta mashaariicda ee dallada SONYO Umbrella, Isuduwaha WDH&C ee gobolka Awdal, agaasimaha Waaxda Dhallinyaradda, agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Iyo qaybo ka mid ah aqoonyahanka gobolka Awdal, kuwaasi oo isugu jiray ardayda jaamacadaha, urrurada bulshada rayidka ah iyo dhamaan daneeyayaasha arimaha dhallinyarada.

Wasiirka Wasiirka Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha JSL. ayaa uga mahadnaqay cid kasta oo ka qayb qaatay inay fusho hawshani, maadaama aynu ka shaqaynayno sidii dhallinyaradda reer somaliland ay uheli lahaayeen siyaasad ka turjunta dhamaan gobolada dalka oo dhan, noqon doontana mid 4sanno ee socda ay wax badan ka faaidi doonaan dhallinyaradda dalka oo iyagu ah kuwa aynu ku faano markasta iyo meel kasta oo ay joogaan, waxaanan rajaynaynaa inuu gobolkani ahaa kii ugu dambeeyay ee hawshani ka qabano, dhawaanna soo saari doono xog ururintii aanu ka samayney dhamaan gobolada dalka oodhan.

kulankan ayaa waxaa fuliyey wasaaradda dhallinyaradda iyo ciyaaraha, iyadoo kaashanaysa UNFPA, Hay’adda SOS, Dallada dhallinyaradda Somaliland ee SONYO iyo Midawga Yurub(EU).